Thursday 11 February 2010

Masjid Faaruuq oo Lagu Xad Gudbay



Cidamada amaanka ee Gobalka Tenasee ee carigaas Mareykanka ayaa waxa ay baaris ku hayaan cida ka danbeysay xadgujub lagu sameeyey masjid Faaruuq ee ku yaala magaalada nashaville ee gobalka Tenasee.

Masjidkaan oo dadka ku cibadaysta ay u badan yihiin soomaali ayaa waxaa lagu buufiyey ereyo iyo calaamado ay cadowtinimo ah kana mid yihiim “muslim dhulkiina ku noqda” ” islaamka waa cadowga” “islam waxa burburineysaa mareykanka iyo israaiil” iyo calaamadaha isku talaabta ah kirishtaanta u gaar ka ah.

Imam Abdulrahman Yusuf of the Al-Farooq Mosque

Salaad Nuur oo ah iimaamka masjidkan faaruuq ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay anshaxxumada loo geestay masjidka waxa uuna raacshay in aysan waligood la kulmin wax saan oo kale ah xitaa weerarkii Sept. 11, 2001.

Sgt. Brooks Harris oo danbe baaraha guud ee qeybta danbi barayaasha ee booliiska gobalkan ayaa sheegaya in erayadaan ay cadey u tahay in danbigaan uu yahay danbiyada naceybka fog cidii ka danbeysanya marka la qabto mudan doonto ciqaab adag.

Elias Feghali oo ka tirsan hayada ay ku mideysan ururada qaxootiga u shaqeeaya ayaa waxa farta ku fiiqdan warbaahinta qaarkood oo ku sheegtay in ay faafinayeen ereyo iyo warbixinimo ka dhan ah dadka Islaamka ah oo aan laga fiirsan dadkana kicin karay.

Xadgudubyo sidaan oo kale ayaa lagu sameeyey dhawr masaajid oo ku kala yaala gobalada dalka mareykanka, xadgudub kan oo kale ah ayaa lagu sameeyey masjid ku yaala magaalada Murfreesboro oo kamid ah isl gobalka Tenasee.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...