Thursday 11 February 2010

Maamulka Somaliland ee gobolka Sool oo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ku eedeeyey qaraxyada iyo dilalka ku soo batay magaalada Laascaano

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyey xoogaga ka dagaalamaya koonfurta Somalia gaar ahaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo xisbul Islaam in ay ka dambeeyaan dilalka iyo qaraxyada ku soo badanayey mudooyinkan magaalada Laascaano.

Waxaa uu intaa ku daray Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool ee maamulka Somaliland in arintaasi ay u hayaaan cadeymo buuxa, ayna labadaasi urur yihiin kuwa ka dambeeya falalka amaandaro ee halkaasi ka dhacayey mudooyinkan, wuxuuna ugu baaqay iney ka waantoobaan falalkaasi amniga liddiga ku ah, isagoo xusay in ka maamul ka ahaan iyagoo gacan ka helaya shacabka ay awood u leeyihiin gacan bir ah iney ku qabtaan amaanka magaalada Laascaano.

“Cadeymaha aan u heyno in Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam iney ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka ku soo batay magaalada Laascaano waxaa ka mid ah, waxaan heynaa qaar ka mid ah wiilashii la marin habaabiyey ee fuliyey oo afkooda ka qiranaya, ka dib markii lagu soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska Laascaano” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool ee maamulka Somaliland.

Ma jiro war eedeeyntaasi jawaab u ah oo ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam hase ahaatee hadalkan ayaa yimid xili mudooyinkan magaalada Laascaano iyo magaalooyin kale oo ku yaala dhinaca maamulka Puntland ay ku soo badanayeen qaraxyo iyo dilal inta badan lala beegsanayey saraakiisha iyo ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland. Kuwasoo dad badana ay ku dhinteen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...