Thursday 11 February 2010

RBC Radio oo Loo Xaqiijiyay in Xildhibaan Saalax Badbaado Isu Dhiibay Shabaab (Faahfaahin)

Muqdisho (RBC Radio) Shabakadda RBC Radio ayaa Goordhaw loo xaqiijiyay in Xildhibaan Saalax Bad-baado uu iskusoo dhiibay Ururka Hubaysan ee Al Shabaab oo kamid ah dhinacyada sida weyn u diidan dowladda Federaalka KMG Somalia.

Sarkaal sare oo katirsan Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa xaqiijiyay in Saalax Badbaado uu iskusoo dhiibay Ciidankooda kadib Wadahadal uu laqaatay Saraakiil Shabaab katirsan oo difaac uga jiray meel aan sidaasi uga fogayn Hotelkii uu Muqdisho ka deganaa.

Waxaa laxaqiijiyay in Saalax Bad baado uu iskusoo dhiibay Ciidan watay gaadiid dagaal oo ku sugnaa xaafadda Siigaale degmada Hodon magaalada Muqdisho isagoo deganaay Hotelka Wehliye oo ay gacanta ku hayso dowlada KMG ah.

Isla Sarkaalka Al Shabaab ee RBC lahadlay wuxuu sheegay in Xildhibaanku uu wato Gaari Nuuca lagu tamashleeya ah iyo 4-Askari oo ilaala u ahaa balse wuxuu ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.

Hotelka uu kasoo baxsaday Xildhibaan Saalax bad baado waxaa leh Beesha uu kasoo jeedo Xildhibaan Qanyare oo siweyn u taageerto Shabaab taas ayaana dhalisay in Xildhibaanka lagu qalqaaliyo ku biiridda Al Shabaab.

Dhinaca kale Ciidamo farabadan oo katirsan Dowladda KMG Somalia ayaa Caawa lasoo dhigay Hotelka Wehliye oo uu kasoo goostay Xildhibaan Saalax Bad baado, tani waa Dhabar Jab kale oo soo wajahday dowladda KMG ah oo isbuucan ay kasoo goosteen Ciidan waloow ay Dowladu beenisay.

Xildhibaan Bad Baado wuxuu kamid ahaa Mudanayaasha ugu Firfircoon Baarlamanka Somalia islamarkaana Sida aadka ah u dhaliilayay waxqabadka dowladda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...