Friday 12 February 2010

Somalia:-Niyad Xumo ku timid alshaab ka dib khidadadii dagaalkooda oo fashilantey

Moqdishu(Mareeg.com)Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saraakiishii dejisay qorshaha duulaanka ay Al-Shabaab dooneysay in ay kala hortagto dowladda soomaaliya ay ka goosteen Shabaabka isla markaana isu dhiibay dowladda.

Saraakiishan oo lagu sheegay 19 sarkaal ayaa waxa ay gaareen xarunta madaxtooyada Villa Somalia habeenkii Arbacada iyaga oo wata sadex
gaari oo ah kuwa raaxada ee loo yaqaano (Runner) iyaga oo si diiran loogu soo dhaweeyey madaxtooyada.

Warar hoose ayaa sheegaya in saraakiishan ay ahaayeen kuwii ugu muhiim sanaa ee abid ka soo goosta Kooxda Al-Shabaab waxaana ay goosteen waqti xasaasi ah oo Shabaabka ay isu diyaarinayeen difaacida weerar qorsheysan oo ay dooneyso dowladda in ay ku ekeyso xarumaha ay Shabaabku leeyihiin.

Raggan ayaa ka soo qeyb galay shir todobaadka la soo dhaafay abaanduulayaasha Al-Shabaab ku qaateen magaalada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe kaasoo lagu dajiyey qidada dagaal ee ee ku wajahan dowlada iyo ciidamada Amisom, waxa kale oo iyaduna arrin culus ah iyadoo 13 ka mid ah ragan ay yihiin abaanduulayaashii caanka ahaa ee Al-Shabaab marka laga hadlayo dagaalada.

Waxaa ka mid ah saraakiisha iyo abaan duulayaasha ka soo goostay Al-Shabaab,abaan duulihii Al Shabaab ee Waqooyiga Muqdisho iyo rag kale oo caan ka ah, waxa kale oo ku jira hor joogayaashii Al-Shabaab dhanka howlgalada ee gobollada Sh/hoose, Banaadir iyo Balcad.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay ka hadalka wararkan soo baxaya ee sheegaya in saraakiishan ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada, waxaase aad loo hadal hayaa warka sheegaya in saraakiisha isku marka soo gadooday ay haatan yihiin kuwo dhinaca dowladda ku sugan.

Dadka indha indheeya arrimaha siyaasada ayaa aaminsan in tani ay dhabar jab weyn ku tahay Al-Shabaab maxaa yeelay waxaa ka goostay rag abaanduulayaal ah, tan labaad waxaa ka fashilmay sir weyn oo ah kaartadi dagaalka oo laga ogaaday.

Al-Shabaab ayaa lagu waday in ay dagaal culus ku qaado dowladda ah xalay iyadoo ciidamo fara badan ka soo uruursatay gobolada Jubooyinka Bay iyo Bakool si ay ugu weerarto dowladda laakin hada qorshaheedii dagaal waxaa dib u dhigay saraakiisha ka goosatay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...