Friday 12 February 2010

Somalia:-Yuhuuda oo sheegay in ay dowlad u aqoonsanayaan Maamulka Somaliland

Maamulka Yuhuuda ayaa waxa uu sheegay in ay dowlad u aqoonsanayaan Maamulka Somaliland. Afhayeenka Wasiirka arimaha dibadda ee Maamulka Yuhuuda oo la hadlayay Wargeys Maxali ah oo lagu magacaabo Golis News oo ka soo baxa Maamulka Yuhuuda ayaa sheegay in Maamulkoodu ay diyaar u yihiin in ay dowlad u aqoonsadaan Maamulka Somaliland. Yigal Palmor oo ah Afhayeen u hadlay Wasiirka arimaha dibadda ee Maamulka Yuhuuda oo hadalkiisa uu soo xigtay Wargeyska maalin laha ah ee ka soo baxa maamulka Yuhuuda ee lagu magacaabo Haaretz ayaa sheegay in Maamulka Yuhuudu ay horayba ugu yabooheen in ay noqon doonaan dowladda ugu horeysa ee ictiraafta Somaliland sanadkii 1960-kii xiligaas oo Somaliland madaxbanaanideeda ay ka heshay wadanka Britain. Palmor ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay diyaar u yihiin in ay aqoonsadaan Somaliland hase ahaatee kama hadlin in ay wax xiriir ah oo laba geesood ah ay la yeelanayaan iyo inkale. Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd waxyaabaha keenay in ay dowlad u aqoonsadaan Somaliland ayuu sheegay in dadka reer Somaliland ay leeyihiin Siyaasad iyo aragti u gaar ah islamarkaana ay la mid yihiin dalka Afgaanistaan marka laga eego Badda Cas oo Istaraatiiji ah oo Somaliland ay qeyb ka heysato. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in maamulkoodu ay hadda diyaar u yihiin in ay aqoonsadaan Somaliland oo dowlad ahaan ay u ictiraafaan isagoo tilmaamay in wadamo badan oo Muslim ah oo ku yaala gobolka Geeska Afrika ay Yuhuudu xiriir wanaagsan la leeyihiin kuwaasi oo ay kamid yihiin Tansaaniya, Uganda iyo Jabuuti. Ugu dambeyntii dadka wax indho indheeya ayaa ku tilmaamay talaabadan Yuhuuda ay ku sheegtay in ay ku aqoonsanayaan maamulka Somaliland mid Maamulka Somaliland u keeni karta in dhaqaalo ahaan uu soo kabto iyadoo xiligana ay jiraan warar kale oo aan la xaqiijin oo ku saabsan in Yuhuuda hada ay doonayaan qaar kamid ah Ciidamada Mariiniska in ay ka soo dejiyaan dekadda magaalada Barbare ee hoostagta Somaliland si ay u caawiyaan Ciidamada Somaliland, waxaana uu tilmaamay sababaha hada keenay in ay aqoonsadaan in ay tahay Istiraatijiyada Bada Cas iyo in ay tahay in la ilaaliyo oo ay ka gacan siiyaan maamulka Somaliland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...