Saturday 7 November 2009

Bosaaso:- Dilkii Xalay oo Garabyo badan lagu Tuhmay.

show_image_260Dilkii Foosha xumaa ee xalay Loo Gaystay Marxuun Jaamac Aadan Maxamed Siibato Loo Yaqaanay ayaa lagu Tuhmay Kooxo badan oo Kala Gadisan, Marxuunka ayaa waxa dilay Laba Nin Hubaysan kuwaasi oo soo daba Galay xili uu Salaadii Cishaha ka soo baxay Kuna sii Jeeday Gurigiisa oo Ku Yaalay Xaafada Netco ee Bariga Magaalada Bosaaso.

Gudoomiyaha G/Bari Muuse Geele Yuusuf Faroole oo uu weheliyo Taliyaha qaybta Booliska G/Bari Coll Afdalaw ayaa Goobtaasi Soo gaadhay dilka ka dib.

Masuuliyiintaasi ayaa sheegay inay wadaan Baadhitaan xoogan oo lagu soo Gacan Galinayo SHakhsiyaadkii dilkaasi ka danbeeyay, Hase Yeeshee Ruux Meesha Joogay markii dilku dhacayay ayaa u sheegay Kooxaha wararka Raadiya in ragii dilkaasi Fuliyay ay Dhabarka danbe Kaga dhufteen Marxuunkaasi isla markaana ay Meesha ka Fakadeen.

Hadaba Ilo Muhiim ah oo aanu xidhiidho kala Gadisan la samaynay ayaa sheegaya in dilkaasi Loo Xaglinayo inay ka danbeeyeen Ciidamada PIS-ta oo la sheegay inuu Marxuunkaasi Horay uga Tirsanaan Xafiiskooda.

Warar Madax-Banaan ayaa sheegaya in Marxuun Jaamac oo wax yar ka Tirsanaa Ciidamadaasi markii danbe uu shaqadii Iska Casilay ka dib Cadaadis badan oo uga Yimi dhanka Beesha oo aan Raali ka ahayn ku Biiritaanka Ciidamada Loogu Yeedho Ashahaadu la Dirarka.

Docda kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Ruxuu ka Baxa Ciidamadaasi ay dilaan hadii uu shaqada iska Casilo taasina ay tahay Wax Cad oo la Yaqaan.

Horay ayaa dil Loogu Gaystay sidan oo kale Sarkaal sare oo ka Baxay Ciidamadaasi Kaasi oo lagu Magcaabo Jiray Cali Jiis, Mr Jiis ayaa ahaa Masuuliyiinta Sirdoonka ee Hay”addaasi waxana dilay xili Habeen ah Koox aan la aqoon Haybtoooda.

In kasoo ay Jiraan ilo wareed kale oo iyana sheegaya in Ay dilkaasi ka danbeeyeen Kooxo haba Yaraatee la dagaalama qofka Lug ku sheegaya Hay”addaasi PISta oo ah mid si wayn looga Necebyahay Gobolada Puntland.

Guud ahaan Amaanka Bosaaso ayaa habeenada ahaan Cakiran ka dib dilal Joogta ah oo Magaalada ka dhacay, qaraxo, iyo waliba Falal kale oo Amaanka ka Hor imanaya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...