Sunday 22 November 2009

Maamulka Puntland oo maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Somalia ku eedeeyey iney faraha kula jiraan waxyaabo ka baxsan dagaalka burcad badeeda

Wasaarada Kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxay shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen tiro fara badan oo ka mid ah kooxaha burcad badeeda ee maraakiibta ka qafaasha xeebaha dalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kalena ku eedeeyay maraakiibta dagaalka ee dalalka reer galbeedka inay si sharci darro ah uga kalluumaystaan xeebaha Soomaaliya ayna ku lug leeyihiin waxyaabo ka baxsan la dagaallanka burcad badeedda.

Ing. Maxamed Faarax Aadan Wasiirka Kaluumaysiga iyo Qayraadka Badda ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ilaa 300 oo Burcad badeed Soomaali ah ay ku jiraan Xabsiyada maamulka Puntland, kuwaasoo 260 ka mid ah ay soo qabteen Ciidamada Badda ee Maamul goboleedka Puntland iyadoo tirada kalana ay u soo gacan galiyeen wadamo uu xiriir iskaashi kala dhaxeeyo.

Wasiirka kalluumaysiga waxa sidoo kale sheegay in konton ka mid ah 300 ee Maxaabiista ah lagu xukumay Xabsiyo kala duwan, wuxuuna qiray in ay ku guul darraysteen inay xukumaan tirada kale ee Burcad badeeda ee buux dhaafisay Xabsiyada maamul goboleedka Puntland sababo la xiriira inaysan awood u lahayn inay quudiyaan.
Dhanka kale wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maamul goboleedka Puntland waxa uu sheegay in Badaha Soomaaliya ay dhibaatooyin xoogan ku hayaan Maraakiib shisheeye oo si sharci daro ah uga Kaluumaysta xeebaha dalka Soomaaliya, mararka qaarkoodna suntan haraadiga wasaqda kiimikada ku aasa badda gunteeda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...