Saturday 14 November 2009

Dagaallo maalmihii la soo dhaafay dhex maray ururka ONLF iyo ciidamada Deegaanka Soomaalida

Jigjiga, November 12, 2009 (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in dagaal qadhaadhi uu maalmihii ina soo dhaafay ku dhexmaray goobo kala geddisan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida, ciidamada dawladda Deegaanka iyo ururka mucaaradka ah ee ONLF.

Dagaaladan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen deegaanada Cogolka, Xamarro, Higlaley, Yucub iyo meelo kale. Kuwaas oo ka kala tirsan Baabili, Fiiq, Dhagaxbuur iyo Wardheer. Dagaaladan oo labada dhinacba ka sheegteen in ay iyagu guulo ka soo hooyeen, ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen maleeshiyo tiro badan oo labada geesood ka kala tirsan.
Cabdi Maxamuud Cumar Ilay Maxamed Cumar Cusmaan
Madaxa hoggaanka nabadgelyada ee Degaanka Soomaalida Md. Cabdi Maxamuud Cumar "Ilay" & Guddomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cismaan

Wararka laga helayo ilo kala geddisan ayaa xaqiijinaya in khasaare balaadhan ay dagaaladan ka soo gaadheen ciidamada dhaqdhaqaaqa ONLF, oo iyagu u dagaalamaya sidii ay dalka Itoobiya uga goyn lahaayeen gobolka Soomaalidu degto.

Mas’uulka dhinaca nabadgelyada u qaabilsan xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo isaga ay hoos yimaadaan ciidamada amniga ee Deegaanka Soomaalidu, ayaa wareysi uu xalay siiyay laanta afka Soomaaliga ee Codka Maraykanka (VOA), ku sheegay in ay cagta mariyeen wax uu ku tilmaamay budhcad, isagoo isla markaana ballan qaaday in uu internetka ku soo bandhigi doono maydadka dadka ay ka laayeen ONLF (eeg cakaara News).

Jabhadda ONLF garabka uu hoggaamiyo Maxamed Cumar Cismaan, ayaa iyaguna sheegtay in ay weerarro ku qaadeen xeryo ay leeyihiin ciidamada dawladda Itoobiya, isla markaana ay qabsadeeen kuwo badan oo ka mid ah xeryahaas.

Inkastoo aanay jirin warar madax bannaan oo faahfaahin ka bixinaya dagaaladan, ayaa haddana Video iyo sawirro lagu soo bandhigay website aad ugu dhaw maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya, lagu muujiyay maydad tiradoodu labaatan kor u dhaaftay. Kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen ciidamada ONLF ee dagaaladaas lagu laayay.

Video-ga ayaa waxaa kale oo ka muuqda ciidamada Deegaanka Soomaalida ee loogu talo galay ka hortagga iyo dagaalada mucaaradka oo maydadka lagu sheegay ONLF ta dhaanto ka dul tumanaya.
Somali Regional State of Ethiopia

Soo bandhigidda maydadkan iyo sida foosha xun ee loogu jeesjeesayo, ayaa ah mid anshaxa iyo akhlaaqda saxaafadda ka soo horjeedda (Journalism ethics). Sidoo kale arrintan ayaa ah mid aan waafaqsanayn diinta Islaamka iyo xeerarka caalamiga ah toona. Shaki kuma jiro in sawirada iyo video-gu ay argagax iyo naxdin ku reebi doonaan ehelada iyo qaraabada dadkaas meydka ah ee dhaantada lagu kor tumanayo. Taasi oo sii kordhin karta colaadda siiba dadka shacabka ah, maadaama ay labada dhinacba yihiin dad isku reer ah oo is wada garanaya.

Si kastaba ha ahaatee dagaaladan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu ururka ONLF laba u kala jabay, ayna dhexdooda ka jirto nacayb iyo colaad qoto dheeri. Waxa intaas dheer in iyana dagaaladani ay ku beegmeen xilli ay taageerada Ururka ONLF ay hoos u sii dhacayso, siiba dadka qurba joogga ah ee dhalasho ahaan uu wato magacooda. Kuwaas oo iyagu ahaa isha ugu muhiimsan ee uu ururkani ka helo taageerada dhaqaale.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha Ururka ONLF uu waji gabax kala kulmay wareysi uu siiyay telefishinka afka Soomaaliga ku baxa ee Universal, ka dib markii ay daawadaayashu ku asqeeyeen su’aalo ay ku adkaatay inuu jawaab waafiya ka bixiyo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...