Tuesday 17 November 2009

Afhayeen u hadlay Ahlu suna waljamaaca oo sheegay inaan loo dhameyn eedeeyn shalay mas’uul iyaga ka tirsan uu u jeediyey Madaxweyne shariif Shiikh C/

Afhayeen u hadlay Ahlu suna waljamaaca oo sheegay inaan loo dhameyn eedeeyn shalay mas’uul iyaga ka tirsan uu u jeediyey Madaxweyne shariif

Shiikh C/qaadir Soomow oo sheegay inuu yahay afhayeenka culimaa’udiinka Ahlu sunah waljameeca ayaa raali gelin ka bixiyey eedeeyn ee gudoomiyaha Ahlu suna Waljameeca ee gobolada dhexe Shiikh Cumar Shiikh Maxamed Faarax u jeediyey madaxweynaha Somalia oo aheyd in ururkooda uu ka sheegay hadalo meel a dhac ku ah.

Shiikh Soomow oo isagoo ku sugan dalka Sacuudiga la soo xiriiray warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in hadalkaasi ka soo yeeray Shiikh Cumar Maxamed Faarax uu ahaa mid aan loo dhameyn aysana ka war heynin qeybaha kale ee culumaa’udiinka ahlu sunah waljameeca.

“Haddii aan nahay Ahlu sunah waljameeca waxaan si buuxda u taageersanahay dowlada Somalia, maadaama ay dalka ku maamuleyso shareecada Islaamka hadalkaasina raali gelin ayaan ka bixineynaa” ayuu intaa ku daray Shiikh Soomow.

Shiikh Cumar Maxa’ed Faarax oo ah Gudoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee gobolada dhexe oo shir jaraa’id ku qabtay saxaafadda ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu meel uga dhacay magaca sharafta iyo karaamada Ahlu Sunna Wal-jameeca, uuna la meel dhigay xoogagga kale ee ka soo horjeeda dawladnimada iyo Qaranimada Somalia.

Gudoomiyaha Ahlu sunna waljamaaca ee gobolada dhexe Shiikh Cumar Sheekh Max’ed Faarax wuxuu u soo jeediyay golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha wasiirrada inay arrintaasi ka jawaabaan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay go’aan cad ka qaadan doonaan haddii uusan madaxweynaha bixinin cudur daar rasmi ah.

Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed oo la hadlayey laanta afka Somaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in markii uu dhamaaday dagaalkii qabiil qabiilka ay soo baxeen ururo diimeedyo kale oo bilaabay iney dagaalka sii wadaan siina xoojiyaan, kuwaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Al Shabaab, Xisbul Islaam, iyo Ahlu sunah waljameeca.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...