Thursday 19 November 2009

Ciidamo Dowladda katirsan oo ku Dagaalamay Madaxtooyada Villa Somalia.

Dagaal dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Somalia.

Iska horimaadka oo ahaa mid culus ayaa muddo daqiiqada ah ka socday afaafka hore ee Madaxtooyada Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxda ugu sarayso dowlada KMG Somalia.

Inta la ogyahay dagaalkii galabta ka dhacay Villa Somalia waxaa ku dhintay 2 Askari oo kawada tirsan ciidanka dowladda iyo dhaawac soo gaaray tiro kale.

Ila wareedyo ay heshay RBC ayaa sheegaya in dagaalku uu dhexeeyay Ciidan taabacsan Sheekh C/raxmaan Janaqow iyo ilaalada RW Cumar Cabdi Rashiid waloow aysan dowladu arrinkaas wax war ah kasoo saarin.

Xiligii uu dagaalku dhacayay waxaa Guriga R/wasaaraha kusoo gaba gaboobay Shir Muhiim ah oo ay lahaayeen Golayaasha Wasiirada kaas oo looga hadlayay Heshiisyo ay dowladu gashay iyo qodob ku aadan arrimaha Xuquuqda Carruurta.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay dhaxdooda dagaalamaan Ciidamo ka wada tirsan Dowladda xilli dhaqaanlo xumo ay haysato dowlada oo mudooyin Bila ah aan wax Mushaar ah siin ciidankeeda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...