Friday 20 November 2009

Gaalkacyo: Xagey ku dambeeyeen wada hadalo usocday dhinacyada Waqooyiga & Koonfurta Gaalkacyo…Warbixin dhinacyo badan leh…

Gaalkacyo(AllPuntland)- Ergo tiradoodu ahayd 22 xubnood oo kala matalayay Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, isla markaasna ka arinsanayay xaaladaha magaalada Gaalkacyo ayaa loo daadiyey sidii ay xal kama dambeys ah uga soo gaari lahaayeen xaaladaha Gaalkacyo.

Ergadan doorashadeeda ayaa ka soo baxday wada xaajoodyo ay dhinacyada labada dhinac ka qeybgaleen oo lugu qabtay dhinaca ay Maamusho dawladda Puntland, waxaana maalmihii ugu horeeyey muuqanayay ifafaalo muujinaya in sii socon karaan wada xaajoodyadan.

Odayaal, Ganacsato iyo Culumada Diinta ayaa ka mid ahaa gudiyada labada dhinacba, waxa ayna ujeedadooda ugu weyn ahayd sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa dagaaladii Gaalkacyo ka dhacay 29-kii iyo 27-kii Bishii hore, kuwaas oo ay Puntland rumeysan tahay in weerarka lugu soo qaaday.

Waxgaradka labada dhinac ayaa warar hoosaadyada ay helayso APl waxa ay sheegayaan in aysan maalmihii ugu dambeeyey xaajadoodu wanaagsaneyn, waxaana lugu kala tagay wada hadalada qaarkood, oo aan ilaa hada layskugu soo looban.

Jimcihii hore ayaa Ergadu waxa ay iskugu tageen Xarunta maamulka gobalka Mudug, si ay usii wadaan wada xaajoodyadooda, waxaana hadalo badan oo dhinacyada dhexmaray laga gaaray waayay natiijo wax ku ool ah, taasoo ku dhamaatay ugu dambeyntii in ay dhinacyada oo isku hadal kululaaday ay ka baxaan madashii lugu shirayay.

Wararkii ugu dambeeyey oo ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in aysan dhicin wada hadalo ka dambeeyey Jimcihii hore, waxaana dhinacyadu ay muuqdaan kuwa xaajadoodu ay tahay kala tagtay, isla markaasna aysan labada dhinac midkoodna waqtigan ubisleyn dadaal nabdeed oo laga yeesho waxyaabihii dhacay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Odayaal ka tirsan dhinacyada Puntland & Galmudug oo ay howluhu dhaxeeyeen ayaa usheegay APL in ay aad uga walaacsan yihiin sii jiritaanka wada hadalada, waxa ayna qireen in aysan muuqan rajo wanaagsan oo ku aadan in ay dhinacyadu isku soo laabtaan.

Mid ka mid ah ka qeybgalayaasha wada xaajoodyadii Jimcihii lasoo dhaafay ayaa usheegay APL in ay si kulul uwada hadleen labada dhinac, isla markaasna la soo qaaday qodobo kala gedisan oo ku wajahan Gaalkacyo, kuwaas oo keenay in ay labadaba dhinacba isku mari waayaan.

Qodobada lasoo qaaday ayaa kala ahaa, In ay Odayaasha Galmudug la yimadaan raali galin iyo wixii ku xaajo ah ee la xariira dagaaladii ay ku qaadeen ciidamada Dawladda Hoose oo uu hogaaminayay Duqa Mahaalada, In la helo wada shaqeyn dhab ah oo ku aadan xaajada Gaalkacyo, In ay labada dhinac yeshaan Xuduud,maadaama dawlad gobaleedyo kala duwan ay maamulayaan magaalada Gaalkacyo, In dhulka Puntland ee uu ka mid yahay Suuqa la yiraahdo Dar-xumo la baneeyo.

Dooda sadexdan qodob ayaa keentay in ay xaajadu garto meel karaar, waxaana dhinaca Koonfureed ee magaaladu ay sheegeen in aysan marnaba laheyn Masuuliyada dagaaladii dhacay, waxaana ay sheegeen Odayaasha Koonfured in uu masuuliyadaas leeyahay Duqa magaalada Gaalkacyo, taasoo caro ku beertay Odayaasha Waqooyiga ee Gaalkacyo.

Sameynta Xaduud labada dhinac ah iyo ka bixida Suuqa Dar-Xumo ayaa sii murjiyey xaajada, waxaana maalmihii ugu dambeeyey soo baxayay hadalada laysku marinayo Warbaabinta, markii mid ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug oo eed ujeediyey dawladda Puntland oo uu sheegay in ay masuuliyadaas leedahay.

Odayaal ka tirsan labada dhinac oo ay la hadashay APl ayaa dhinacba dhinac kale ku eedeyey masuuliyada baaqashada ama fashilka wada xaajoodyada nabdeed, waxa ayna ka siman yihiin oo ay isku raacsan yihiin in aysan wanaagsaneyn wada hadaladu in ay burburaan, hadana waxa ay qirsan yihiin in ay burbureen oo aysan rajo badan ka qabin in ay sii socdaan.

Waqooyiga & Koonfurtu waxa ay isku eedaynayaan in uu dhinac walba ka caga jiidayo wada xaajoodyada, dhinaca Koonfureed ayaa lugu eedaynayaa in aysan ogoleyn sameynta Xad, ka bixida Darxumo iyo xaalado kale, halka Waqooyigana lugu eedaynayo Sad-bursi iyo sheegashada dhul aysan laheyn, oo ay labada dhinacba isku mari la’ayihiin waqtigan.

Khuburada aadka ula socota Isbad-badalka xaaladaha Gaalkacyo ayaa walaac balaaran ka muujinaya wada hadalada umuuqda in ay fashil ku soo dhamaadeen, waxaana la saadaalinayaa in maalmaha fooda nagu soo haya ay dhacaan isbadalo xaalada gobalka wax ka qaban doona, waxaana ay Puntland shegaysaa in ay sii wadayso barnaamijyada ku wajahan soo celinta bilicda Gaalkacyo, kaas oo ay dad badan taageersan yihiin.

Gaalkacyo oo ah magaalo marti galisa dad kala duwan, kuna abtirsada dhinacyo kala gedisan, ayaa hadana waxa ay tahay meel muhiimad gaar ah uleh ganacsiga Soomaaliya, waxaana Magaalada ay ka mid ahayd meelihii ay dagaaladii Sokeeye kuwii ugu xumaa ay ka dhacen 1992-dii, hadana waxa ay ka mid tahay waqtigan meelaha ugu dagan ee ay wada dagan yihiin dad Soomaaliyeed oo aad udagaalamay, hadana heshiis ka gaaray dhamaanba colaadihii soo dhexmaray sannadyadii 1991-dii ilaa 1992-dii, waxaana magaalada lugu wada dagan yahay heshiis ay kala saxiixeen Col. C/laahi Yuusuf Axmed, Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Dr, Cali Ismaaciil Cabdi Giir.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...