Salaxaad, 17-Nov-2009 - Shacabka degmada Salaxaad ayaa ka cabanaya gummaad hoose oo ay ku heyso qowmiyadda Oromada oo xuduud la wadaagta qowmiyadda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida, iyadoo aynan jirin masuuliyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed oo arrintan ka hadlaya.
Dad badan oo ka tirsan shacabka reer Salaxaad oo xiriiro la soo sameeyey warsidaha Wabishabeele, ayaa cabasho ba'an ka muujiyey falalka laynta iyo xoolo boobka isugu jira ee ay qowmiyadda Oromadu ka wado tuulooyinka hoostaga degmada Salaxaad ee gobolka Fiq ee Deegaanka Ismaamulka Soomaalida.
Bishii tagtay ayey Oromadu weeraro is-daba joog ah ku soo qaadeen tuulooyin ka tirsan degmada Salaxaad, halkaas oo ay ku laayeen dad aad u fara badan, kuna qaadeen xoolo kor u dhaafaya 1000 neef.
Dadkii la soo xiriiray Wabishabeele ayaa niyad xumo ka muujiyey jawaab la'aanta masuuliyiinta iyo waxgaradka Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee ku wajahan arrintan.
Illaa hadda majirto wax dhaqdhaqaaq xal raadis ah oo laga sameeyey gummaadka hoose ee ay qowmiyadda Oromadu ku heyso shacabka reer Salaxaad.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...

-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment