Wednesday 25 November 2009

Madaxweyne Sharif - dawlada qaar ka mid ah ayaa basaasiin ah

Shiikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka faa’iideysaneyso, xiisadaha dagaal ee ka taagan Xisbul-islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab oo uu sheegay in qeybo ka mid ah Jubooyinka ay ku dagaalameen, wuxuuna sii raaciyay in Xisbul-islaam ay wali ka faa’iideysan la’dahay fursad qaali ah oo hor taala taasoo ah buu yiri albaabka wadahadalka.
Isagoo wareysi gaar ah siinayey wakaalada wararka AFP ayaa madaxweyne Shariif waxaa ka codsaday beesha caalamka in ay wax badan ka qabtaan dhaqaale la’aanta heysata si ay dowaladiisa ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto xoogagga dagaalada hubeysan kala soo horjeeda.

Mar uu ka hadlayey dhinaca xoogaga mucaaradka ayuu Madaxweyne Shariif ku eedeeyay in ay dadka ku hayaan handadaad iyo cabsi galin joogto ah, iyagoo la soo baxay buu yiri wajigooda dhabta ah isagoo tilmaamay inuu jiray qorshe fashilmay oo xoogagga Mucaaradka ay ku doonayeen in ay ku afgembiyaan dowladiisa, “Dowlada haatan waxa ay ku taagantahay wadada guusha, xarunta madaxtooyadana waxaa ilaalo xooggan ka hayaan ciidamada AMISOM” ayuu intaa ku daray madaxweyne Shariif.


“Waxaa nala dagaalamaya xoogag shisheeye oo ka yimid dalal kale taasina waxa ay ka mid tahay caqabadaha ugu naga hor taagan inaan waxqabad looga bartay dowlad la imaano, waana arin aanan la qabsan xitaa dowladihii inaga naga horeeyay, beesha caalamkana waxaa looga fadhiyaa iney shacabka Somaliyed iyo dowladooda garab joogsadaan” ayuu yiri madaxweynaha oo isweydiiyay sida ay qorshayaasha dowladda ku hirgali karaan haddii aan dhaqaale la helin si loo dhameystiro.

Madaxweynaha dowlada Somalia Shariif ayaa markii ugu horeysay si cad u qiray in ay jiraan xubno ku ka tirsan dowladda Somalia oo taageero militari iyo mid sirdoonba siiya xoogagga mucaaradka dagaalada hubeysan kala horjeeda dowladda, wuxuuna xusay in taasi laftigeeda ay tahay caqabad jirta oo aan weli laga gudbin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...