Friday 27 November 2009

Gaalkacyo: " Meeshii Nabad ah ayaa ka dhaxaysa Soomaalida" Gudoomiyaha gobalka Mudug. 27. november 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad oo maanta ka hadlayay Salaadii Ciida ee magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in ay Soomaalida ka dhaxayso Meeshii ay nabadgalyo ka jirto, isagoo umuuqday in uu sar-bebayo hadal uu dhawaan sheegay.

Col. Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in ay Maamulkiisu ku mashquulsan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha amaanka ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ugu baaqay guud ahaan Shacabku in ay qeyb wanaagsan ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amaanka.

Gudoomiyaha gobalku wuxuu sheegay in ay jiraan dad badan oo nabad la'aan ka shaqeeya, isagoo sheegay in ay dadkaasi soo qaban doonaan ciidamada amaanku, wuxuuna ka digay in lataageero dambiilayaasha dadka uu ku sheegay, oo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan Nabad la'aan, Horumar la'aan iyo horumarka shacabka oo ay diidayaan.

" Soomaalida oo ah dad walaalo ah, waxaa loo baahan yahay in ay guud ahaantood ka shaqeeyaan Amaanka, waxaa lagama maarmaan ah in aad taageertaan ciidamada amaanka, si ay ugaaraan guul wanaagsan, Soomaalida oo dhana waxaa ka dhaxeeya dhul kasta oo nabdeed" Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Mudug.

Axmed Cali Salaad wuxuu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo hadal kiciyay laabta dad badan, kaasoo ahaa in ay ka baxaan gobalka Mudug dadka ay deegaanadooda ka jiraan nabadgalyo ee ay ka mid yihiin Gedo, Baay, Bakool, Jubooyinka, Ismaaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Shabeelooyinka, hadalkaas oo keenay in ay jawaab ka bixiyaan Waxgarad iyo Masuuliyiin kala duwan.

Hadalka waqtigan ka soo baxay gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad ayaa umuuqda mid uu kaga laabanayo go'aankii uu sheegay in ay horay ugaareen, markii ay cabasho ka muujiyen arrintaasi dadkii usoo jeediyey Gudoomiyuhu in ay guryahoodii ku laabtaan, waxaana jiray dad ka hadlay arrimahaasi markii ay soo shaac-baxeen ama uu sheegay Gudoomiyaha gobalka Mudug.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...