Friday 20 November 2009

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaalado kala gedisan…Shir Jaraa’id… 19. november 2009

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya oo shalay soo gaaray Puntland, gaar ahaana Caasumada Puntland ayaa ka hadlay xaalado badan oo ka jira gudaha Puntland, wuxuuna sheegay in uu kula soo kulmay magaalada Nayroobi dhinacyo kala gedisan oo ay ku jiraan Deeq bixiyaasha, Wakiilada Siyasaded, Siyaasiin ka soo jeeda Puntland iyo Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Deeq bixiyaasha & Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu kala hadlay dalalka Deeqaha Bixiya sidii taageero wanaagsan loo siin lahaa dawladda Puntland, wuxuu sheegay in ay balan qaadeen in ay taageero wanaagsan siin doonaan dawladda Puntland.

Deeq bixiyaasha ayuu sheegay Madaxweynuhu in uu wax badan isku soo afgarteen, isagoo sheegay in ay hada la socdeen qaar ka mid ah Madaxda Deeqaha caalamiga ah, kuwaas oo kormeer kusameyanaya deegaanada Puntland.

Wuxuu shaaciyey in ay dalalka taageerada siiya Soomaaliya ay balan qaadeen in ay taageero baaxad weyn siin doonaan Puntland, wuxuuna sheegay in ay dalalkaas balan qadeen in ay dhaqaalo badan siin doonaan Puntland, ayagoo Madaxda dawladda Puntland kula taliyay amaanka oo ay gacanta ku qabtaan, si Barnaamijyo badan uga hirgalaan Puntland.

Arrimaha amaanka.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in ay la socdeen xaaladaha Amaan ee Puntland, wuxuu sheegay in amaanka Puntland ay wax badan ka qaban doonaan xaaladaha Puntland, wuxuuna gu yeeray Shacabka Puntland in ay qeyb wanaagsan ka qaataan arrimaha amaanka iyo la socodka ciidamada.

Dr. Faroole wuxuu cadeeyey in ay jiraan dad uu sheegay in ay duulaan ku soo qaadeen Puntland, kuwaas oo uu shegay in ay hada doonayaan in ay gacan bir ah ku qabtaan, isagoo sheegay in ay hada dawladdu diirada saari doonta amaanka iyo sugnaanshaha amaanka deegaanada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu cadeeyey in ay jiraan shaqsiyaad uu sheegay in ay soo qaban doonaan oo ay dabagalo ku hayaan, kuwaas oo ka shaqeynaya amaan la’aanta gobalada Puntland, isagoo sheegay in aysan garan Karin ujeedooyin ay ka leeyihiin falalka amaan daro.

Khilaafkii dawladda KMG ah.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in uu Nayroobi kula kulmay Raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Cumar C/rishiid oo ahaa bud-dhigihii xiriirka Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay markii hore ka wada hadleen hirgalinta heshiiskaasi.

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in ay isla soo qaadeen sidii loo sii wada lahaa heshiiskaas iyo sidii loogu dari lahaa qodobo markii horeba heshiisku ahaa in lugu daro, balse wuxuu sheegay in uu Raysalwasaaruhu ku dagdagsanaa Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho oo uu doonayay howlo badan in uu ka qabto.

“ Nasiib wanaag waxaan la kulanay Madaxweynihii Faderaalka oo isna ka yimid dalka Turkiga, waxaan ugu tagnay halkii uu daganaa oo anaga ayaa utagnay, si wanaagsan ayaan uwada hadalnay markii ugu horeysay, waxaana habeenkii iskugu raacnay in aan maalintii saxiixno heshiis ay soo qoraan Wasiirada labada dhinac, dhinaca Puntland Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir) oo wafdiga ka mid ahaa iyo dhinaca Faderaalka, markii ladoonayay in heshiiska la saxiixo Madaxweyne Shariif wuxuu la yimid qorshe ka badalan kii laga wada hadlayay habeenkii” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland oo tafaasiilaad ka bixinayay khilaafkii Madaxda dawladda Puntland iyo dawladda Soomaaliya.

Dr, C/rixmaan wuxuu sheegay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin horumarka Puntland, isagoo cadeeyey in aysan marnaba ka tageyn dastuurka Puntland waxyaabaha uu qarayo, isagoo si gaar ah usheegay in aysan marnaba horumarka Puntland ka tageyn.

“ Nin kuu diidan horumar, muxuu kuu ogolanayaa, waxa ay ila tahay in ay Puntland qaadan doonto talaabo kasta oo lugu horumarinayo deegaanada Puntland, isla markaasna waxaan dooneynaa in aan qaadno talaabo kasta oo horumar looga gaari karo arrimaha Horumarineed ee Soomaaliya iyo Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Puntland ku nool yihiin inta badan dadkii ka soo cararay dagaalada ay masuuliyadooda leeyihiin dawladda KMG ah iyo dhinacyada kale ee ku loolamaya Koonfurta dalka Soomaaliya, isla markaasna dawladda Soomaaliya ay ka biyo diidsan tahay mashaariicda horumarineed oo Puntland looga fulin lahaa dadkaasi.

Barakacayaasha.

Madaxweynaha Puntland sidoo kale qiray in ay dad ka soo qaxay dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya, ay hada joogaan gobalada Puntland, isla markaasna wuxuu sheegay in ay dadkaasi dhibaatooyin badan ku hayaan Puntland.

“ Dadka soo cararay, waxa ay ubaahan yihiin adeegyo badan, kuwaas oo aysan dabooli Karin Puntland, markaasna dhib ay nagu hayaan dadkaasi, kuwaas oo ay ku soo hoos-gabanayaan dad doonaya in ay burburiyaan gobalada Puntland, waxaana qaadan karnaa talaabo kasta oo aad dadkaasi ugu raadin karno adeegyo horumarineed” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

Dibu heshiisiinta Soomaaliya ah.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo shirkiisan Jaraa’id ku soo qaaday xaaladaha Dibu heshiisiineed ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dawladda Puntland taageersan tahay in la joojiyo dagaalada, isla markaasna ay dooneyso nabadgalyo in lugu dhameeyo dagaalada manta ka socda gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dawladda KMG ahi diyar uaheyn in ay nabad ka dhaliso Soomaaliya, isagoo sheegay in aan marnaba dadaal logalin sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, isla markaasna wada xaajoodyo loola qaadan lahaa dhinacyada dagaalada kala soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

“ Puntland mar kasta waxa ay utaagan tahay Midnimada Umada Soomaaliyeed, waxa ay taageeraysaa nabadgalyada iyo dibu heshiisiin Caam ah oo Soomaaliyeed, dadka dagaalamaya oo dhan waxa ay ugu baaqaysaa dagaalka oo la joojiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

“Safar guulo daro mahan Safarkan” Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa ugu dambeyntii ku sifeeyey safarkan mid aan waxba guul daro ah ukeenin Puntland, isagoo sheegay in hadii ay isku dhaceen Puntland & Faderaalku aysan la macne aheyn in ay Puntland ka tagtay Soomaaliya inteeda kale, wuxuuna sheegay in aysan marnaba Puntland ka baxeyn Midnimada Umada Soomaaliya, sida uu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed.

Shirkan Jaraa’id ayaa ka dhacay goor dhaw oo manta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay Golaha Wasiirada ee Puntland oo madasha joogay iyo Saxaafada dibada iyo gudaha oo lugu casumay warsiinta Madaxweynaha Puntland ee Warbaahinta Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...