Thursday 19 November 2009

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Oo Maanta Jeediyay Khudbadiisii Ugu Kululeyd Ee Dhinaca Amaanka (Warbixin)

aalkacyo(RBC):- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col. Axmed Cali Salaad ayaa maanta waxaa uu si adag uga hadley xaaladaha amaan ee sii xumaanaya ee ka taagan gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, oo habeenadii la soo dhaafey qaraxyo is daba joog ah ay ka dhaceen.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug waxaa uu sheegay in Qaraxyada iyo falalka amaan darro ee dadka qaar lagu leynayo in ay yihiin kuwa laga soo abaabulay koonfurta Soomaaliya, iyadoo ay jiraan xog maamulku helay oo ah in ay soo gaareen Gobolka Mudug dad badan oo loo soo tababaray isla markaana loo soo diray waxyeeleynta amaanka guud ee Gobolka.

“Diin baa lagu soo gabanayaa dad Masaajid ka soo baxay baa la leynayaa, dad aan wax galabsan oo dadkoodii ku dhex jira ayaa la qarxinayaa, intaa waxa sameynaya waan naqaanaa, waa dad diciif ah oo inaga dhashay oo meelahaa iyo koonfurta lagu soo badalay dhaqankooda iyo damiirkooda iyo kuwa dhiig miirato ah oo iyaga garab ka helaya” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay Ciidanka amaanku haatan bilaabeen qorshayaal amaanka wax looga qabanayo oo ay haatan qaarkood bilow yihiin, kuwa kalena maalmaha soo socda laguda geli doono, waxaa hadda ciidanku sameysteen jidgooyooyin tira badan oo ay gaadiidka ku baarayaan ayuu intaa raaciyay.

Col. Axmed Cali Salaad Gudoonka Gobolka waxaa uu baaq u diray dhamaan shacbiga ka yimid Gobolada kale ee dalka, asal ahaana aan ka soo jeedin Puntland in ay gebi ahaanba faarujiyaan magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, taasi oo ay ku jirto xalka nabadeed ee Gobolka.

“Walaalaheena Soomaaliyeed ee Gobolkan dul saarka ku ah waxaan leenahay war walaalayaalow inta laga xalinayo dhibaatada Soomaali dhex taala, inaga baxa oo taga Goboladiina nabada ah, kaliya waxaan marti galin karnaa dadka ka yimid magaalada Muqdisho oo iyagu waxay ka soo carareen dhibka weli ka soconaya Xamar, inta kale dhulkiinii waa nabad ee naga laabta” ayuu yiri Axmed Cali Salaad.

Maamulka Gobolka ayaa waxaa uu sidoo kale baaq u diray Shacbiga Gobolka Mudug ee maamulka Puntland, isagoo sheegay inuu ka codsanayo in ay baaraan cidda ay guryahooda ka kireynayaan, gaar ahaan xaafadaha, waxana digniin uu u diray dadka Hotelada ku leh Gaalkacyo oo uu sheegay in lala xisaabtami doono dadka ay gabaadka siiyaan, ee qaarkood uyimid in ay dhibaato geystaan oo aanu ognahay in ay san meel kale degin ayuu intaasi sii raaciyay Col. Axmed.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo hadalka maanta uu jeediyay uu ahaa kii ugu kululaa ee uu ka jeediyo dhinaca amaanka ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday shacabka Puntland in ay is daafacaan oo ay qaataan qoriga isla markaana cid walba oo amaankooda iyo nabadooda carqalad ku ah ay iska qabtaan, maamulkana si wanaagsan ay ula shaqeeyaan cidii ay ka shakiyaana ku soo wargeliyaana laamaha amaanka si talaabo muuqata looga qaato.

Hadalkani ka soo yeeray Maamulka Gobolka Mudug ayaa ku soo beegmaya xilli bishan aynu ku guda jirno gudaha magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen qaraxyo is daba joog ah oo lagu qaaday goobaha ay Dawladdu ku shaqeyso ee gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo aan ilaa iyo iminka xal waara laga gaarin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...