Itoobiya Oo Kulamo Degdeg Ah Kala Yeelaneysa Somaliland & Puntland Weeraradii ONLF
Dirdhaba, 17-Nov-2009 - Kadib dagaallo u muuqday kuwo qorshaysan oo ay jabhadda ONLF ku qaaday deegaano dhowr ah mar qudh ah, ayaa waxey sababtay tuhun weyn oo ay dowladda dhexe ee Itoobiya ka qaado wada shaqeynta iyada iyo maamullada Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo la aaminsanyahay inaynan waxba ka qaban ciidamo iyo saanad ONLF oo soo dhexmartay.
Wasaaradda Gaashaandhiga ee Itoobiya ayaa maantaba u yeertay masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliland, si ay jawaabo degdeg ah uga bixiyaan tuhunkan.
Waxaa isla maanta duhurnimaddii magaalada Jigjiga soo gaadhay waftigii reer Hargeysa, kuwaasoo waxoogaa ka hor loo sii qaaday magaalada Dirdhaba oo uu ku sugayo jeneral Abraham oo ka socda wasaaradda Gaashaandhiga dowladda dhexe ee Itoobiya.
Dhanka Puntland ayaa iyana dhawaan la filayaa inay masuuliyiin ka yimaadaan, si iyagana dhankooda loo weydiiyo su'aalo arrintan la xidhiidha.
Dowladda dhexe ayaa aad uga xumaatay weeraradii u danbeeyey ee ONLF, kuwaas oo ahaa kuwo aanan noocooda marnaba laga fileynin jabhadda ONLF, maadama warbixinada dowladda dhexe gaara ay sheegi jireen in awoodii ONLF la wiiqay kal hore, isla markaan Somaliland iyo Puntland ay adkeeyeen xuduudaha ay la wadaagaan deegaanka.
Bishii hore uun bey aheyd markii dardaaran adag la siiyey wafti reer Somaliland ahaa, kuwaas oo shirar kula galay saraakiisha ciidanka dowladda dhexe iyo kuwa deegaanka magaaladan Jigjiga.
Weeraradii ONLF ee isbuuci tagay oo geystay qasaara xoogan oo labada dhan ah, ayaa u muuqday kuwo ka gadisan kuwii hore. Weeraradaas ayey qabiiro ciidanka military-ga ah ku micneeyeen waxa afka qalaad lagu yiraahdo "Simultaneous attacks."
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment