Thursday 19 November 2009

Xildhibaan C/Nuur " waa in Madaxweyne Shariif Xilka isaga degaa 24-saac gudahood".

Mudane katirsan Baarlamanka Dowladda Federaalka Somalia ayaa ugu baaqay in uu xilka Madaxtinimo iska casilo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan C/Nuur Maxamed Xuseen ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia in uu Xilka iska tiriyo maadaama uu ku fashilmay wax ka qabadka Dalka Soomaaliya.

" Madaxweynuhuu Madaxweyne kuma ahan Villa Somalia iyo Garoonka Muqdisho oo ay Taangiyo kasoo qaadaan waa in uu xilka iska wareejiyo" ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Shariif uu lumiyay Taageerada Maamulada Puntland iyo Somaliland oo umuhiim u ahaa taageerada dalka Somalia.

Waa Markii ugu horeysay ee Madaxweyne Shariif loogu baaqo in uu Xilka iska casilo tan iyo Markii Madaxweyne loo doortay xilli ay Islaamiyiinta qabsadeen inta badan dalka Somalia.
http://markacadey.banadir24.com/main/news.php?readmore=8081

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...