Monday 30 November 2009

Faroole oo wiilkiisa u Magcaabay la Taliye [Warbixin dheer]

Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Maxamed C/raxmaan Faroole yahay La Taliyaha dhanka Warfaafinta, Hadaba Arinkaasi markuu soo shaac baxay ayaa wariyaal badan oo Gudaha dalka iyo dibada Juugaa Magcaabistaasi ku Tilmaameen mid Gees marsan SHarciga Saxaafada.

Maxamed C/raxmaan Faroole oo Aabihii Loolan adag la soo galay wakhtigii Olalaha doorashada Puntland ayaa Faroole Abaal marin uga dhigay inuu Noqday La Taliye dhanka warfaafinta ah, Maxamed C/raxmaan Faroole oo Da"ahaan Lagu qiyaasay inuu jiray 42- Sano ayaa ah Shakhsi aad ay uga Cawdaan Suxufiyiinta Puntland.

Maxamed C/raxmaan Faroole ayaa ah Maamulaha Radi Garoowe, iyo waliba Barta Enternet ee Garowe-Online, Labadan Saldhig warbaahineed ayaa Aasaaskooda waxa ka danbeeyay Madaxwane Faroole oo doonayay inuu Gor Gortan ku Galo xiliga doorashada waxana uu Waraysiyo badan xiligii doorashooyinka ka sheegi Jiray Warbaahintiisa hadalo duraya Siyaasiyiinta markaasi xilka haysa iyo kuwa u hanqal taagayaba.

Waxa la Xasuustaa Maqaaladii iyo Buun Buunitii Maxamed C/raxmaan Faroole uu ka Faafiyay wakhtigii Xukuumada Gen Cade Muuse ee tan Aabihii ka Horaysay isaga oo Qori jiray warar lidi ku ah Hanaanka Maamulkaasi, Ujeedka ugu wayn ee uu wakhtigaasi ka lahaa ayaa hayad sidii Maamulkaasi dadka looga Horkeeni lahaa.

Hadaba La Taliyaha Cusubi ma Xuusandoonaan Hadaladii uu is Ticmaali Jiray wakhtii Maamuladii Kan Aabihii C/raxmaan ka horeeyay ee soo maray Puntland Mase Ogolaandoonaa in Xukuumada Aabihii uu isna ka mid Noqday Haatan ay wariyaashu sheegaan Daldalooladeeda oo ah Xaq in Warbaahintu shaaca ka qaado wax kasta oo ay Xukuumada Puntland gees martay. ???

Maxamed C/raxmaan Faroole ayaa dhawor jeer is hortaagay shaqooyinka Wariyaasha xili ay Gudanayeen waajibaadkooda shaqo, isaga oo markaasi isu arkayay inuu Saxanyahay....... Waxa hubaal ah in qaar ka mid ah Golaha Xukuumada Puntland aanay Warbaahinta toos ula hadli Karin ilaa Maxamed C/raxmaan ay Soo maraan Wariyaasha Golaha Xukuumada Warka ka doonayaa..

Waxa moodaa in Magcaabista Madaxwayne Faroole ee wiilkiisa ay tahay mid lala deg degay iyada oo ay jiraan rag badan oo uga xeel dheer arimaha Saxaafada isla markaana ay isku kalsoonaan lahaayeen Wariyaasha Gudahooda ay ku Haboonaan lahaayeen in Booskaasi loo Magcaabo.

Hadii aan in yar dib u Jaleecno Xukuumadii Cade Muuse Boqor waxa la Taliye dhanka Warfaafin ahaa Bile Maxamuud Qaboowsade oo ah nin Lagu tilmaami karo Aabihii Saxaafada Puntland marka loo eego Wakhitiga badan ee uu Qoobka kula Jiray Arimaha Saxaafada, sidoo kale wuxuu Bile ka mid Noqday Xukuumadii C/laahi Yuusuf... Wakhtigii Cade Muuse uu xilkaasi Bile Qabowsade u Magcaabayay mahayn mid ay xukuumadu is kala Maagtay Xilkaasi Hase yeeshee waxaan Oran karaa Magcaabista Bile waxay ku timi Talooyin ay soo Jeediyeen Wariyaasha markaasi Joogay Puntland kuwaasi oo u Arkayay inuu yahay Shakhsi ka Soo Bixi kara isku xidhka Maamulka iyo Wariyaasha.

Dadka qaar ayaa leh Puntland ma Boqortooyaa la kala dhaxlo....... marka loo eego inta Xayndaabka Maamulka Faroole ku weegaaran oo ah rag ay aad isugu dhawyihiin Qoys ahaan.. taasi waxay horseedaysaa in Kalsoonida Maamulka loo hayaa ay Gabi ahaanba lunto.

Waxa jiraa ku dhawaad 30-Wariye oo ah kuwa ugu Tunka wayn dhanka Warfaafinta Puntland ay dalka ka Haajireen kuwaasi oo qaarkood ay Magan Gelyo ka Heleen Caalmka, waxa iyana aan Meesha ka Maqnay Wariyaasha ka hor yimi Siyaasada Maamulka Puntland kuwaasi oo haba Yaraatee Go"aan saday inay dalka dibada uga baxaan ka gadaal markii ay arkeen Cabudhinta Saxaafada, iyo xadhiga loo Gaysanayo hadii ay Sheegi waayaan Hadafka ay Xukuumada Leedahay.

Dadka arimahan u dhuun daloola ayaa leh Magcaabista Faroole uu wiilkiisa magcaabay ma ah mid wax buuran soo Kordhinaysa iyada oo ayba suura Gal Noqon karto inay sii kala Fogaadaan Wariyaasha iyo Xukuumadu.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...