Monday 30 November 2009

Shirkii uga Socday Suxufiyiinta Soomaaliyeed Magaalaadda Nairobi Ee Caasimada Wadanka Kenya oo Maanta soo gaba gaboobay(Daawo Sawirada

Waxaa Maanta Magaaladda Nairobi Ee Caasimada Wadanka Kenya kusoo idlaaaday Shirar Sadexdii Casho Ee u dambeysay uga Socday Mulkiilayaasha iyo Agaasimayaasha Warbaahinta Gudaha Somalia iyo Dibada, Kulankan ayaa waxaa qabashadiisa iskaKaashaday Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee Nusoj iyo Ururka Kale Ee press now.

Shirkan Maanta kusoo Ifa-fa beelay Magaalaadda Nairobi ayaa waxaa kasoo wada qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan Ee Warbaahinta Somalida ka kooban tahay Waxaana Shirkan lagaga aransanayay Sidii Ahmiyad gaara loo siin lahaa Horu-marinta Warbaahinta Afka Somaliga ku hadasha.

Shirkan ayaa waxaa Soo qaban qaabiyay oo isku soo duba riday Uruka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyed Ee Nusoj iyo Ururka kale Ee Caalamig ah Ee Press Now, Wuxuuna ahaa Ujeedkiisu sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Warbaahinta Afka Somaliga ku hadasha meelay joogtaba.

Shirkan ayaa waxaa Kasoo dhex muuqday markii ugu horeysay Warbaahinta Afka Somaliga ku hadasha qaar keed oo aan hore loogu arki jirin Shirarka Saxafiyiinta Soomaaliyeed goobaha ay ka dhacayaan, Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiino)
iyo Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Jabuuti oo halkaas hadalo qiimo badan kasoo jeediyay.

Xidhitaankii shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madax Heer Caalamiya oo uu kamid yahay Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Wadanka Kenya iyo dhowr qof oo ka socday Safaaradaha Midowga yurub.

Xidhitaankii Shirka ayaa waxaa ka hadlay Madax Sarre oo ka socotay Ururka Saxafiyiinta Ee Press Now waxayna Sheegeen inay marwalba garab taagan yihiin Warbaahinta Ku hadashada Afka Somaliga islamarkana ay kala shaqeyn doonaan sidii loo horu-marin lahaa.

Aagaasimaha TV-ga Universal Axmed Abuukar ayaa Beesha Caalamka Ku tilmaamay inay xooga saartay Budhcad Badeeda Waxaana kamid ahaa hadalkiisi"Beesha Caalamka Waxaad moodaa inay Awooda saartay Budhcad Badeeda Ka dhex Aloosan puntland Balse aysan Marnaba eegin dhinaca Warbaahinta Somalida oo runtii guulo waa weyn gaadhay intii burburka.

Mowliid Xaaji Cabdi oo Ah Agaasimaha Idaaacada iyo TV-ga SBC ayaa isna ka hadlay goobta waxaa isma ka mid ahaa hadaladiisi" Waa shirkii ugu horeeyay Ee ay qeybaha kala duwan Ee Warbaahinta Somalidu isugu timaado taasina waxay maragma doonta u tahay inay midaysan tahay Saxaafada Somalidu"

Wariye Siciid Cali Muuse oo ahaa Shir gudoonka Shirka ayaa isna halkaas ka hadlay Wuxuuna Sheegay inuu Aad ugu faraxsanyahay Isu Imaatinka Saxafiyiinta Soomaaliyeed isugu yimaadeen Shirka Ee ay kaga Tashanayaa Sidii loo Horu-marin laha Warbaahinta Somalida, wuxuuna intaas Siciid kusii daray inay farax gooniya isaga u tahay Saxibada Cusub Ee uu ku bartay Shirka.

Xoghaya Guud Ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq ayaa Shirku markii uu dhamaday Waraysi kooban Siiyay Warbaahinta Caalamagi Ee Laasqoray.Net.

SU. Ujeedka Guud Ee Shirku Muxuu ahaa Cumar adiga oo soo koobaya.

JA. Ujeedka guud ee shirku waxa uu ahaa in lagaga hadlo sidii loo horu-marin lahaa Saxaafada Somalida sidii loo gaadhsiin lahaa heer ay isku filaadaan Warbaahinta Somomaaliyeed oo ku gaadhi karaan meel ay wax ku qabsan karaan, markaa shirkii dhamaan waxaa kasoo qeyb galay Idaaacadihii Tv -yadii Wargeys- yadii runtii wuxuu kusoo dhamaaday shirku guul oo lagu gaadhay go'aamo midaysan

SU. Go, aanka kasoo baxay shirka muxuu ahaa

Go'aanka kasoo baxay Wuxuu ahaa Sidii looga go'aan gaaadhi lahaa Sidii loona Horu-marina lahaa Bahda Saxaafada Afka Soomaaliga ku hadasha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...