Saturday 14 November 2009

Fariin ku socoto Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir(Tirada inta Duq Magaalo ee Muqdisho ay yeelatay 1936-kii ilaa 2009)

Tan iyo wixii ka danbeeyay aasaaskii dowladaha hoose ee Magaalada Muqdisho oo ku beegnayd sanadkii 1936-kii, waxay caasimaddu Soomaaliya yeelatay ilaa soddon iyo Labo duq magaalo, guddoomiye iyo podesta, waxaana xusid mudan in wixii ka horreeyey xilligii daakhiliyada ay madaxda Magaalada Muqdisho ahaayeen kuwo ajaaniib ah oo uu sameysan jirey isticmaarkii Talyaaniga.

Hase ahaatee Shacbiga Soomaaliyeed oo muddada Sagaal iyo Tobanka sano ah ku jirey dhibaatooyinka dagaallada sokeeye oo qabay rajo ah inay ka baxaan dowlad la’aanta ayaa aad u soo dhaweeyey dhismaha Maamulka cusub , taas oo shacbiga Soomaaliyeed markhaati ka wada noqdeen kadib markii uu Madaxweynaha Dowladda KMG Sheekh Shariif Sh. Axmed uu maamulkii hore ee gobolka ku badalay maamul cusub oo uu hormuud u yahay Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune) kaasoo dadku ay ku tilmaameen in uu yahay kan xaqa ah ee la soo doortay Gobolka, nasiibkiisana uu u saamaxay hanashada kursigaas.


Eng. Nuune wuxuu khudbadiisa ugu horeysay ku sheegay in maamulkiisa uu yahay mid dib u heshiisiineed oo diiradda saari doona inay dadka iyo dalkaba u horseeddo nabad iyo horumar, wuxuuna ugu baaqay shacbiga iyo siyaasiyiintaba inay isa saamaxaan, xalay dhalayna ka noqdaan wixii horey u dhexmaray, laga billaabo maalintaasna u guntadaan inay iyagoo gacmaha is haysta u sara joogsadaan ka qeyb qaadashada howlaha baaxadda leh ee dowladda iyo gobolkaba hor yaal.

Markii la magacaabay maamulka cusub ayaa dad badan ay ku dhawaaqeen "Maamul Fadhiid ah aa fiddee, yaa farxay yaase fool madoow" erayadaasi waxaan u soo qaatay maamuladii hore ee ka horeeyay maamulka cusub waxay dadka Muqdisho ku tilmaami jireen maamul aan xaqa ku dhisneyn, isla markaana wax qabadkooda aan muuqan hase ahaatee arintaasi waxaa meesha ka saaray oo meyray Madaxweynaha Dowladda KMG oo u muuqda in uu siyaasad cusub la soo baxayo.


Magacaabista Eng. Nuune oo ku soo beegantay xilli adag oo dadka Gobolka Banaadir u baahan yihiin nabad iyo nolol, ayaa waxay indheergaradka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in mudanahaan uu yahay ninka ugu muhiimsan ee xilligan adag Gobolka Banaadir ka saari kara dhibaatooyinka, isagoo gaashanaya aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa uu u leeyahay maamulka.


Dhab ahaan waa hawl aad u adag, balse waxaan rumeysanahay in uu Eng, Nuune yahay nin ka soo dhalaali kara hawshaas, waxaana Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo xilkaas culus ee loo magacaabay.


Hase ahaatee waxaan ka baqayaa in Guddoomiyaha cusub uu ku dhaco dabinno ay har iyo habeen u maleegayaan kooxo Gaadleey siyaasadeed ah iyo laba naflayaal diidan nidaamka iyo dowladnimada, doonayana danahooda iney fushadaan.


Mudane Guddoomiye iga ogoloow inaan ku baro Gaadleyda siyaasadda iyo Laba Naflayaasha, Waa kuwo u taagan inay fashiliyaan maamulka cusub ee Gobolka, oo ay ka shaqeeyaan burburka nidaamka ku dhisan ee Banaadir, kuwaasi oo lagaaga baahan yahay inaad isha ku heyso, kamana foga hareerahaada, waxayna isu ekeysiiyaan hadba meesha ay joogaan sida jirjiroolaha ama geed urugleeyaha oo kale.


Eng. Nuune waa duqii 32-aad ee ay yeelato caasimadda Muqdisho, waxaana magaaladan ay horey u soo maray madax kala duwan kuwaas oo magacyadoodu ay kala yihiin:


Dr.Compani Romeo, Podesta, 1936


Rag Scarpa, Podesta, 1937


Dr.Sicar, Podesta, 1937


Dr.Barbano Luigi, Podesta, 3-6-1937


Dr.Banidno Marco, Captan Podesta, 1-11-1937


Guliano Sanatore, Podesta, Desembar, 1938


Dr.Pantelli Pietro, Guddoomiye Idman, Febraayo, 1941


Olivieri Aliveri, Guddoomiye Idman, Abriil 1950, wuxuuna xilka Guddoomiyenimo ku wareejiyey maamulkii AFIS.


Aliviero Enrico, Juun 1950, Madax Maamulkii Muqdisho.


Vecco Cario, Madax Magaalada Muqdisho, 1953


Maxamed Sheekh Jamaal Cabdullaahi, Duq Magaalo, 1956


Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, Novembar, 1958


Dr.Keenadiid Axmed Yuusuf, Guddoomiye Idman, 30-kii Agoosto 1962


Axmed Muudde Xuseen, Duq Magaalo, 2-dii Jannaayo 1966


Cumar Xasan Maxamuud (Istarliin), Duq Magaalo, Febraayo, 1969


Dr.Shariif Maxamed Caydaruus, Duq Magaalo, Maarso, 1969


G/Sare Axmed Maxamuud Cadde, Guddoomiye Idman, 20-kii Novembar 1969


G/Sare Cusmaan Maxamed Jeelle, Guddoomiye Idman, 8-dii Disembar 1970


G/Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 20-kii Maarso 1973


Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas), Duq Magaalo, Febraayo, 1978


Dr.Cabdullaahi Salaad Warsame, Guddoomiye, May, 1981


G/Sare Xasan Abshir Faarax, Duq Magaalo, 1982


Cali Ugaas Cabdulle, Duq Magaalo, 1987


Sayid Cumar Xaaji Maxamed, Duq Magaalo, 1990


S/Guuto Axmed Jilacow Caddow, Duq Magaalo, 18-kii Oktoobar, 1990


Cabdullaahi Gacal Sabriye, Duq Magaalo, 1991


Cabdullaahi Muuse Xuseen, Duq Magaalo, 2000


Dr.Xuseen Cali Axmed, Duq Magaalo, 2003


Maxamuud Xasan Cali (Cadde), Duq Magaalo, 2005


Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Duq Magaalo iyo Guddoomiye Gobol, 28-4-2007


Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) Guddoomiye Gobolka ahna Duq Magaale 28-April 2007-September 13, 2008


Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur Novembar 2008 – Novembar 2009

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...