Friday 27 November 2009

Maamulka Puntland oo lagu eedeeyey iney takooraan dadka ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ee ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan

Magaalada Muqdisho kulan ay ku yeesheen mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ee ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle ayaa waxay eedeyn kulul dusha uga tuureen Maamul goboleedka Puntland oo ay ku eedeeyeen inay faquuq gaar ah ku hayo dadka ka soo jeeda beelahaasi oo ku nool ama ka ganacsatada magaalooyinka Puntland.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Woosh oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanka ay qabteen ay ujeedadiisu ahayd labo qodob oo kala ah: cambaarayn ay u jeediyanaan mamaul goboleedka Puntland iyo Mahadnaq ay u jeedinayaan madaxweynaha garab ka mid ah Maamulka Galmudug State Maxamed Axmed Caalim.

“Haddaan nahay xildhibaanada beelaha Digil & Mirifle ma aaminsanin inuu jiro maamul goboleed ka dhisan Puntland , waxa aan aqoonsanahay inay yihiin hal qabiil oo doonaya inuu gumaad u gaysto qabaa’illada kale” ayuu si kulul u yiri Xildhibaanka oo intaasi ku daray inay aad uga mahad celinayan Maamulka GAlmudug State soo dhoweyntii ay u sameyeen dadka laga soo barakiciyay deegaanada Puntland.

Xildhibaankaasi wuxuu sheegay in marka hal qarax uu dhaco ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigaan 20 qofood oo ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo ay tacaddi u gaystaan, wuxuuna intaasi ku daray inay amar ku siiyeen ciidamada Puntland inay dadkaasi ay isaga tagaan meheradahooda ganacsi ayna aadaan meelihii ay ka yimaadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...