Saturday 21 November 2009

Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo lumisay Diplomaasiyadii Soomaaliya iyo Kenya

(Warbixin)
Warkii 19-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa lumisay kalsoonidii shacabka soomaaliyed kadib markii ay Hareer Martay Diblomaasiyadii Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Mas'uuliyiinta Safaarada Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa noqday kuwo howshooda gabay, isla markaana ka raacday Dantii dadka iyo Qaranka danahooda gaarka ah, taasoo aanay si mug leh uga wada soo bixin howlihii loo igmaday.

Sidoo kale Safiirka Somaliya u fadhiya Nairobi Amp. Maxamed Cali Ameeriko ayaa noqday nin fadhiid ka noqday howlihi qaranka, waxaana bedelka howshiisa uu ka doortay iibinta dhinaca Viisooyinka Yurub lagu galo.

Dhaliilaha haatan muuqda ee ay wajaheyso Safaarada ayaa waxay kow ka tahay iyadoo si mas'uuliyad xumo oo aan Diplomaasiyad aheyn loola dhaqmo Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda KMG marka ay socdaal ku tagayaan Magaalada Nairobi.

Safaarada oo looga baahnaa in ay maareyso arrimahaas caqabadka ku ah Mas'uuliyiinta Dowladda, waxaana Wasiirada iyo Xildhibaanada ka dhoofa Muqdisho lagu dajiyaa Magaalada Wajeer si baaritaan lagu sameeyo, waxaana Mas'uuliyiinta Dowladda ay dhibsadeen qash qashaadka ay kala kulmaan waaxda socdaalka Kenya.

aqabadaha joogtada ee ay la kulmaan Xubnaha Dowladda waxaa sii wehliya tan shacabka ay la kulmaan, oo ah ka daray oo dabi dhal, waxaana dadka ay sheegaan in karaama xumada soo gaarta dadka soomaalida ay horseed u tahay Safaarada Soomaalida ee ku caan baxday ka bayac mushtarka Viisooyinka Dibadaha lagu dhoofo.

Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko iyo Qunsulka Maxamed Cismaan Edson ayaa labaduba ah mid Xafiiska safaarada u joogaan danahooda gaarka ah, waxaana hada labada dhinac wadaan ka ganacsiga Viisooyinka oo ay ku loolamayaan.

Gudaha Xaafada Islii ayaa waxaa ka jira Suuq Madow lagu kala iibsanayo Viisooyin Talyaani ah, waxaana Ameerika iyo Edson ay leeyihiin shaqsiyaad Dulaaliin ah oo u iibiya Viisooyinka.

Ilaa 40-ruux ayaa ku baxday labadii todobaad ee u dambeeyay Viisaha Talyaaniga, waxaana qiimaha hada lagu kala iibsanayo ay gaareysaa ilaa 13-kun oo Doolar oo halkii Viiso ah.

Arrimahan oo idil oo ay kow ka tahay fadhiidnimada iyo habacsanaanta howlihii Safaarada ayaa waxay soo de dejinayaan qorshayaal dhowaan la damacsan yahay in xilka looga qaado Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Cali Ameeriko, waxaana taa sii dheer laaluush ay ka qaataan Soomaalida ku dhaqan Kenya mararka ay danta ka soo gasho.

Ka sokow kiisaska laga soo sheegayo Safaarada ee ay ugu weyn tahay in Xafiiskii Qaranka Soomaaliya matalayay uu isu badalay Xafiiska Dulaaliinta Viisooyinka Yurub ayaa waxaa sii dheer in Cali Ameeriko uu ku tuntay Qaranimada Soomaaliya kadib markii uu saxiixay Heshiis qayaano qaran ah sanadkii hore xilligaasoo aan dalka Madaxweyne uusan laheyn, isla markaana Madaxweynihii xillihii C/llaahi Yuusuf uu is casilay.

Amp. Ameeriko ayaa saxiixay heshiis mugdi gelinaya Qaranimada Soomaaliya, isaga oo Gabar ka socotay Yurub kala saxiixday Heshiis u ogolaanaya Maraakiibta Midowga Yurub in ay ka howl geli karaan Badaha Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...