Sunday 22 November 2009

War deg deg ah: Ciidamada Xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab oo goor dhoweyd la wareegay degmada Afmadow ee gobolka J/hoose

War deg eg ah oo hadda na soo gaaray aya sheegaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ee gobolada Jubooyinka ay goor dhoweyd la wareeegeen gacan ku heynta degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose sida ay sheegeen saraakiil xarakadasi ka tirsan.

Warka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Al shabaab ay magaalada Afmadow la wareegeen iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin, waxayna fariisimo ka sameysteen duleedka degmadaasi, waxaana kacsan xaalada degmada, iyadoo dadkuna ay hadal hayaan isbedelka lama filaanka ah ee halkaasi ka dhacay.

Lama oga illaa hadda halka ay ka baxeen ciidamadii Ururka Xisbul Islaam ee uu hogaaminayey Shiikh Axmed Madoobe oo iyagu halkaasi gacanta ku hayey, kuwaasoo mudooyinkii ugu dambeeuey dagaalo kula jiray ciidamada Xarakada Al shabaab ee gobolada Jubbooyinka.

Wixii ku soo kordha warkaasi kala soco boggan saacadaha soo socda insha ALLAAH

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...