Friday 27 November 2009

Afhayeenka Xisbul Islaam oo wax aan la eegan karin ku sifeeyey tacadiyo uu sheegay ciidamada dowladda Somalia ay ku hayaan Naafadii XDS ee Martiini

Max’ed Cusmaan Caruus Afhayeenka howlgalada Ururka Xisbul Islaam oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxaa uu ka hadlay cabasho maalmihii ugu dambeeysay ka soo yeeraysay Naafadii hore ee xoogga dalka Soomaaliya oo cabasho ka muujinayay ciidamada dawladda federalk oo soo degay Isbitaalkii Martiini oo ay ku noolaayeen.

“Tacaddiyada loo gaysanayo ciidamada Naafada xoogga dalka Soomaaliya Aad ayaan uga xunahay, waxay ka mid tahay tacadiyada baahsan oo ay qolooyinka Jabuuti ku hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka Hawl gallada ciidamada Xisbul Islaam oo intaasi ku daray in isbitaalka Martiini ay xaq u leeyihiin inay degganaadaan ciidamadii ku soo naafoobay dagaalkii Xooganaa ee Ethiopia iyo Soomaaliya sanadkii 1977-kii dhexmaray ciidamada labada dal.

Maxamed Cismaan Caruus wuxuu ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya inay ka dul qaadan Naafadii xoogga dalka Soomaaliya ciidamada la soo dul dajiyay, wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay taasi ka dhago adaygaan ay qaadi doonaan tallaabo cad oo ay xaqooda ugu soo dhicinayaan Naafadda Xoogga dalka Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Naafada Xooga dalka Soomaaliyeed ay gudaha Isbitaalka Martini ka dhigeen Banaanbax ay kaga cabanayaan dhibaato ay sheegeen in ay ku hayaan ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo soo dul dagay qeybo ka mid ah isbitaalka oo ay ku noolaayeen 20-kii sano ee ugu dambeysay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...