Saturday 7 November 2009

Puntland:-Shirqoolada Lagu Dilayo Saraakiisha PISta waxaa Ka Danbeeya Saraakiisha Sare ee Hay'adda Sirdoonka PISta.....Xogtan waxa si qarsoodi ah Punt

Askarigan ayaa diiday inaan Magaciisa adeegsano sababo la xiriira Amaankiisa iyo shaqadiisa, waxana uga Mahadcelinayna Geesinimada iyo Muwaadinimada uu sameeyay ama uu ku ogolaaday in xogtan uu shacabka u soo gudbiyo oo ay la socdaan.

Askarigan oo Wariyaheena Boosaso uu la kulmay ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo careysan in dhamaan Ragii dhintay ay dilkooda ka danbeyeen oo ay soo shirqoleen madaxda sar sare ee Hay'adda La Dagaalanka Argagaxisada ee PIS.

Askariga ayaa shaaciyay in raga la dilay ee shirqoolka ku dhintay uu ugu danbeeyay Jamac Siibato ilaahay ha u Naxariistee kasoo isaga oo gurigiisa u socda dabley Hubaysan ay toogteen , dhamaan raga shirqoolka siyaasadeysan ku dhintay ayuu Magacyadooda iyo Qabiilada ay ka soo jeedan ku soo koobay inay yihiin sidan.

Cabdi Rashiid Laangare(Reer Bicid Yahan Majeerten)
Cali Jiis(Siwaakhron Majeerten)
Khaliif uur guf(Ree waa Rag Majeerten)
Jaamac Maxamed (Cumar Maxamuud Majeerten)
Jaamac Siibato(Calisaleeban Majeerten) waa Sarkaalki u danbeeyay.

Askarigan Muwaadinka ah ayaa intaas ku daray inay jiraan afar askari oo kale , lakiin ragan Magacyadooda u sheegay ayuu ku tilmaamay inay yihiin dhamaantood Sarakiil.

Ninkan dhalinyaradaha ee intaas ku daray in Saraakiishan dhamaan loo dilay xog ay hayeen iyo qorshayaal qalafsan oo ay ka soo hor jeesten, wuxuu intaas ku daray in dilalka ay fuliyaan koox calooshood u shaqeystayaal ah oo lacag dhowr kun ah qaata waxana uu xaqiijiyay in kooxdasi uu mada ka yahay nin Lagu Magacaabo Gabtan Gorod.

Saraakiisha Sar Sare ee Dilalka qorsheeya ayuu sidoo kale Magacyadooda iyo qabiilsa ay ka soo jeedaan noo sheegay waxayna dhamaantood xilal kala duwan oo sare ka hayaan PISta, Magacyadooda iyo qabiiladooda ayaa ah sidan.


Cismaan Cabdulaahi Diyaano(Cismaan Maxamuud)
C/risaaq Aloore(Cismaan Maxamuud)
Bashiir Siciid Goobe(Dishiishe)

3 Sarkaal ayaa ka daneeya qorshihii ragaas lagu dilay, waxana uu ka codsaday shacabka reer Puntland inay sidaas ogadaan lakiin si gaar ah waxa uga codsaday ehelada iyo qabiilda dadka dhintay inay ragoodii u qabsadaan oo u raadsanaan sadexdaa nin oo ay ka doontaan diyadoodii.

Qorshaha ayaa ku sheegay mid socday ilaa Dowladii Cade Muuse , waxana xataa la socda Booliska oo markii dilalkaasi oo dhan dheceen sheegay inay baaritaano sameynayaan ilaa iyo iminka shacabka sidaas ayaa loo sheegaaa.

Xogta Askarigan bixiyay ayaa cadeynasa in Puntland iyo Masuuliyiinteeda iyaga ay dhib isugu filan yihiin oo iyaga ay isqasayaan, waxay kaloo rumeynaysaa wararkii sheegayay in qaraxyada Boosaso ka dhaca uu ka danbeeyo C/Laahi Siciid Samater oo ah Wasiirka Amniga DGPL.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...