Saturday 2 January 2010

AMISOM oo ka digtay in dhibaato ka dhalan karto weeraro lagu soo qaado xarumahooda magaalada Muqdisho

Captain Bridge Bhuko oo saxafada Soomaliya la hadalayey ayaa wuxuu sheegay inaysan Soomaaliya u imaanin inay dagaalamaan balse ay u yimaadeen inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay gar-gaaraan dadka Soomaalida, wuxuuna intaasi ku daray in haddii la soo weeraro aysan gacmaha laaban doonin oo ay ku qasbanaan doonaan inay is difaacaan.

“Dadka dhimanaya ama dhaawacmaya ma ahan Uganda ama Burundi, waa Soomaali, waxaan ka codsanaynaa kooxaha Mucaaradka inay joojiyaan weerarada ay ku soo qaadayaan fariisimada ciidamadeena” ayuu yiri yiri Captain Bridge Bhuko oo intaasi ku daray inaysan iyaga qorshaha ugu jirin inay ka baxaan difaaca oo ay beegsadeen fariisimada ay xoogagga Mucaaradka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Bridge Bhuko oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu ka digay weeraro uga yimaada dhinaca xoogagga Mucaaradka oo lagu soo qaado fariisimaha ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin, wuxuuna sheegay in masuuliyadda qasaarihii ka dhasha weerarkaasi ay dhabarka u ridan doonaan kooxihii soo weeraray.

Hadalka afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Bridge Bhuko wuxuu imaanayaa xilli ay shalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho dhoolo tus ka sameeyeen cutubyo ka tirsan xoogagga Mujaahidiinta Al-shabaab oo tababaro loo soo gabagabeeyay, hadallo ay halkaasi ka jeediyeen masuuliyiinta Al-shabaabna waxay sheegeen inay weeraro ku qaadi doonaan fariisimada ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...