Saturday 2 January 2010

GALDOGOB OO LAGU QABTAY ISKU SOO BAX FARXAD IYO MURUGU ISUGU JIRA.IYO PUNTLAND OO 48 SAAC LOO QABTAY IN AY JAWAAB BIXISO…

Xarunta Degmada Galdogob oo tirsan gobolka Mudug ayaa galabnimadii shalay waxaa ka dhacay isku soo bax ballaaran oo ay ka soo qayb galeen .
masuuliyiinta iyo dadweynaha halkaasi ku nool.

Bannaan baxaan oo ay soo abaabuleen masuuliyiinta gobol lagu magacaabo xiriir oo sannad ka hor halkaasi dadka deegaanku ay uga dhawaaqeen ayaa dhinaca farxadda lagu taageerayay sannad guurada koobaad ee ka soo wareegtay gobolkaasi halka dhanka kalana loogu tiiraanyoonayay masuuliyiin dhalasho ahaan ka soo jeedda deegaankaasi oo qaarkood la dilay qaarkood la dhaawacay qaarkoodna ay haatan maxkamad la.aan ugu xiran yihiin Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland..iyadoo dadkaasi ay ka mid yihiin Afhayeenka Baarlamaanka Puntland. Cabdirashiid Maxamed Xirsi Iyo darawalkiisii oo dhaawac loogu gaystay Magaalada Garoowe.

Sargaalka ka tirsanaa Nabad sugidda Puntland laguna magacaabi jiray G/le Dhexe Naaleeye oo Garoowe lagu dilay iyo Wariyaha VOA Gaalkacyo Maxamed Yaasiin Isxaaq oo in muddo ah maxkamad la.aan ugu xiran Xabsiga Boosaaso iyadoo ay falalkaasi Garoowe iyo Gaalkacyo ka kala dhaceen habeennimadii ay taariikhdu ahayd 21/12/2009.

Isku soo baxaan oo ka dhacay Fagaaraha Magaalada Galdob aayado qur aan ahna uu ku furay Sheekh Maxamed Cadaawe ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Xiriir Enj Maxamed Mursal Xaashi iyo waliba Xoghayihiisa Guud Cali Garoow oo ka warbixiyeen waxqabadka Maamulka Gobolkaasi muddadii uu jiray ayna ka mid ahaayeen 6 mashruuc oo la hirgaliyay sida waddooyin xirnaa furidddood iyo hagaajinta kuwo xumaa.dhirayn meelo deeganka ka mid ah.nadaafadda oo si wayn wax loogaga qabtay.arrimaha nabad galyada iyo wanaajinta xiriirka dadka deegaankaasi iyo kuwa dariska la ah .ayna jiraan 10 mashruuc oo kale lana doonayo in waqtiyada soo socda la hirgaliyo .iyagoo xuseen in cadaalad darrada ay ka tirsanayaan Maamulka Puntland oo ay ka tirsanaayeen laga soo bilaabo 1998dii.

Masuuliyiinta kale ee isku soo baxaasi ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Ismaaciil..Faarax Warsame.Axmad Deeq.Cabdullaahi Ismaaciil iyo xubno kale kana warameen sida ay u taageersan yihiin abuuritaanka Gobolka Xiriir iyo waxqabadkiisa ugana xun yihiin sida maamulka Puntland uga leexday maamulkii iyo cadaalad ahaan ujeeddooyinkii loo abuuray Maamulkaasi Bulshada reer Galdogobna ay xaq ugu leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan ciddii ay dantoodu ku jirtana ay wax ku darsadaan.

Dhinaca kale Nabaddoonnada kala ah Warsame Cadde ,nabadoon cali jaamac tiito,iyo Faarax Warsame ayaa sheegeen ay aad uga xun yihiin sida beel ka mid ah beelihii Maamulka Puntland dhistay ay ugu xadgudbeen nidaamkii ay ku heshiiyeen 3dii Urur ee dhisay ee kala ah:-SSDF.SNDU iyo USP keentayna in USP ay ku biiraan dhinaca Soomaali Land .haatanna ay reer SNDU ugu diyaar garoobeen in ay wax la qabsadaan maamullada jira dalka sida Dowladda Fedaraalka .Maamulka Galgudug iyo kuwa soo bixi doonaba iyagoo ugu baaqeen Maamulka Puntland in muddo 48 saacadood ay jawaab cad oo lagu qanci karo ka soo bixiyaan haddii kale ay Dadka Reer Galdogob iyo hoggaamiyayaashooduba ku dhawaaqi doonaan go.aan cad oo ay aayahooda uga tashanayaan ayna ugu horrayso in sharuud la.aan xabsiga looga sii daayo xurriyaddiisana loogu soo celiyo Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq.

fagaarahaas oo aygoobjook ka ahayeen wariyayaal lagu casuumay oo ay ka mid ahayeen kuwa wabsetka dayniile ayaa fagaarahaas ay ka soo yeerayeen erayo cabashooyin.cambaarayn iyo gooddi isugu jiraa .

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...