Friday 1 January 2010

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa gudaha dalka soomaaliya sanadka 2009ka oo kooban.

2jan-2009 dowlada ethioppia ayaa sheektay in ay bilowday in ay ka bexeyso gudaha dalka soomaaliya.
9jan2009ka banaanbaxyo looga soo horjeedo kumaadka yahuuda ee reer flastin ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaalo soomaaliya.

13jan2009 gurigii ra'isul wasaarihii hore ee soomaaliya nuur xasan xuseen nuur cade ayaa lagu qabtay xaflad lagu sagoo tinayo cidamadii itoobiyaanka ee ka baxay soomaaliya.

15jan2009ka ciidamadii itoobiya ayaa gabi ahaanba iska ka guuray magaalada muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan soomaaliya.

31jan2009 waxaa loo doortay madaxweynaha soomaaliya shiiq shaeriif shiiq axmed.



4fab-2009ka waxaa muqdisho lagu dilay agaasimihii idaacada horn afric saciid tahliil.


7feb-2009 cumar iimaan ayaa iclaamiyay dagaalka dhan ah dowlada shiiq shariif shiiq axmed oo markaas lagu waday in ay muqdisho timaato.

7feb-2009kii isla maalintaas waxaa muqdisho gaaray madaxwenaha soomaaliya shiiq shariif shiiq axmed iyo wafuud uu hogaaminayay.

9feb-2009ka shiiq shariif shiiq axmed ayaa ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in dalka u ku xukumo diinta islaamka.
26feb2009ka waxaa muqdisho soo gaaray ra;isul wasaare c/rashiid cali sharmaake iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa.
2march2009 waxaa dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayaan wasiiradii hore iyo kuwa dowlada cali sharmaake.
5march2009 ciidamada dowlada mareykanka ayaa 7nin oo soomaali ah ku wareejiyay dowlada kenya si halkaas loogu maxkamadeeyo.
23march isla sanadkaan waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii ururka lagu magacaabi xizbul islaam ee taneeyo in ay maamulaan gudaha dalka soomaaliya.
26dii march isla sanadkaa waxaa qaraxii ugu horeeyay ka badbaaday wasiirka arimaha gudaha dowlada soomaaliya c/qaadir cali cumar in kastoo uu hadana dhaawac soo gaaray
29march 2009 waxaa dalka jabuti laga furay wakaalad madax banaan ay yeelato dowlada soomaaliya.

21may2009kii waxaa afyaheen cusub sameystay dhaqdhaqaaqa ururka al shabaab ee dagaalada ba 'an ka wado gudaha soomaaliya.
1june200ka kooxo hubeysan ayaa afduubtay agaasimihii tvga universal ee koofurta soomaaliya maxamed ibrahim jeekey.

2june waxaa gaaray magaalada b/weyne ciidan aad ufara badan oo uu horkacayo wasiirkii amniga cumar xaanshi aadan iyo mas uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya.

i8june2009ka waxaa qarax xoogan oo ka dhacay hotel madina b/weyne ku dhintay wasiirkii amniga dowlda soomaaliya cumar xaanshi aadan iyo safiirkii hore ee soomaaliya u fadhiyay dalka k/africa c/kariin faarax laqanyo oo ku sugnaa hoteelkaas.

19june2009ka waxaa lagu dilay xaafada kaaraan ee magaalada muqdisho ing maxa,ed caddow oo ahaa xilibaan ka tirsan dowlada soomaaliya.

6july2009 pro cabdi ismaaciil samatar ayaa sheekay hadii aan xaalada soomaaliya wax laga qaban in ay qariidada aduunka ka tirtirmeyso.
15sep-2009ka diyaaradaha dagaalka ee mareykanka ayaa waxa ey weerar ku qaadeen koofurta soomaaliya ayagoo ku dilay saalax cali nabhaan.

11-112009ka waxaa xilka kala gu doomay maa mulkii hore ee gobolka banadir iyo kan cusub ee loo maga caabay.
26nov waxaa dib u helay xuriyadooda labo saxafi oo ajnabi ah oo mudo sanad ka badan lagu heystay gudaha dalka soomaaliya.

3dec209ka wasiiro wariyaal dhaqaatir iyo arday ayaa gu geeriyooday qarax weyn oo ka dhacay hotel shamow ee magaalada muqdisho.



29-dec2009 burcad badeeda soomaalida ayaa aftuubatay markab siday shixnad hub ah oo laga leeyahay wadanka ingiriiska.

diyaariye:
sadaam ahmed gobey

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...