Friday 1 January 2010

Dowlada Midnimada Qaran oo wada Abaabulkii dagaal ee ugu Danbeeyay iyo Goobaha ay Dagaalkada ku qabsan doonto, iyo Istiraatiijiyada Dagaal oo ay Dama

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay Dowlada soo gaba gabeysay Istiraatiijiyad Dagaal oo ay damacsantyahay horaanta sanadkan 2010-ka.

Istiraatiijiyadan Dagaal ayaa waxay ku Salaysantahay dhinacyo badan, ayada u kala qaybisay Dagaalka Muqdisho ilaa 3-waji, kuwaasi oo ay kala Hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Dowlada oo ay garab siinayaan Ciidamada Amisom.

Saraakiil uu ka mid yahay Col. Gacmo Duule iyo ku dhawaad 5sarkaal waxaa loo saaray in ay ka dagaal Galaan agagaarka Xaruntii Nabadsugida ilaa Hotel Ramadaan ayaga oo dhinacyo kala ka Dagaalamaya sida Dhamaan Degmada kaaraan qeybaheeda kala duwan.

Xubno uu Hogaminayo taliyaha Ciidamada Milatariga, Xoghayaha Gaashaandhiga iyo taliyaha Ciidamada Daraawiishata waxay ka Dagaal galayaan 4- aag kuwaasi oo ka Dagaalamaya jidka ka soo baxa Madaxtooyada ee hor marta iskuulka 15-may ilaa Maxkamada ifka Xalane iyo Garoonka Cayaaraha , Sayidka ilaa Warshada Caanaha, Km4- ilaa Dayniile, Isgoysska adan Cade ilaa biyadageenka baar Ubax ama wadada Dheer ee hor marta carwo Idka tagtana xaruntii Efeco ilaa gubta.

Sidoo kale sida ay sheegayaan Wararkaasi isis soo taraya waxaa gacan siinaya taangiyada iyo dabaabadaha Ciidamada Amisom ayada oo aag walbana ay raacayaan ilaa 6- dabaabadaha Ciidamada Amisom ah.

Dad badan ayaa is waydiinaya Dagaalka sii daba dheeraday ee ka socda Muqdisho ilaa maydii la soo dhaafay kuwaasi oo ay ku Nafwaayeen dad gaaraya ilaa 1000-qofood halka ay ku dhaawacmeen ilaa 3000-kun qofood.

Hadaba waxay dadka Reer Muqdisho ka dhursugayaan gulufkaan ay Dowlada ku goodinayso, ayada oo ay arintu tahay mid uun hana qabsadso si aan dhinac u raacno dhibaatadana u yaraato, oo dharigu haduu gacmo bato wuu Fuud Xaraareeyaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...