Thursday 31 December 2009

Shariif oo ka hadley xaflad

30 Dec 30, 2009 - 12:08:23 AM

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo maanta ka qaybgalay xaflad ay heshiisyo ku kala saxiixanayeen mas'uuliyiintii maamulka Galmudug ee isku hayay koonfurta Gaalkacyo oo ka dhacday Villa Somalia ayaa sheegay in maamul goboleedyadu ay sababi karaan dagaalo cusub.

Sh. Shariif wuxuu soo dhaweeyay tanaasulka ay isku sameeyeen mas'uuliyiin muddo 6-bilood ah isku hayay maamulka Galmudug, kuwaasoo mid walba uu sheeganayay inuu yahay Mas'uulka ugu sareeya maamulka Koonfurta Gaalkacyo.

"Maamul Goboleedyadfa dalka ka jira waa kuwo ku shaqeeya qaab Federaal ah, balse maamul goboleedkan oo kale, wuxuu sababi karaa inay dagaalo dhacaan, waxaana uga digayaa beelaha Soomaaliyeed inay isku mashuuliyaan sameynta maamul goboleed sababi kara colaado" ayuu yiri Sh. Shariif.

Xaflada ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Axmed Cali Hilowle iyo Col. Max'ed Axmed Caalin oo isku hayay gudoonka sare ee maamulka Galmudug, iyadoo xilka uu ka tanaasulay Axmed-shariif Cali Hilowle.

Mas'uuliyiintan oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiska ay kala saxiixdeen ayna isku shaqeyn doonaan wixii hadda ka dabeeya, iyadoo labadoodu ay isku gacan qaadeen Madaxweynaha Somalia hortiisa.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Gen. Cabdi Xasan Cawale [Qaybdid] oo isaguna hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee labada mas'uul ay heshiiska u gaareen.

"Heshiiskan waa mid ku dayasho mudan, waxayna labada mas'uul balanqaadeen inay si wadajir ah u shaqeyn doonaan, taasoo ah guul ku dayasho mudan laguna farxo" ayuu yiri Gen. Cabdi Qaybdiid.

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DF ayaa kulankaas ka qaybgalay, waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen heshiiska iyagoo ku sheegay inuu yahay mid lagu xaliyay khilaaf sanad barkii soo jiitamayay.

1 comment:

Anonymous said...

Narrow blood vessels lie alongside the intestines of the earthworm and they absorb the nutrients from the alimentary
canal feeding the rest of the body. * Team answer sheets
- Basically a grid lined A4 type sheet with answer write in numbered boxes and a line on top for the team name.
Theme Format: It is almost like standard format of the pub quiz.


My weblog good pub quiz names

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...