Saturday 12 December 2009

Mareykanka: Sarkaal Sare oo Al Qaacida ayaa Lagu Dilay Pakistan

Washington, (RBC Radio) Saraakiil ka tirsan ciidamada sirta ee Mareykanka ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Qaacida lagu dilay galbeedka dalka Pakistan hakaasi oo ay duqeymo toddobaadkan ka geysteen diyaarado aan cid wadin oo Mareykanku leeyahay.

Saraakiil ka tirsan waaxda gaashaandhiga The Pentagon ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha aan la wadin ay dileen nin ka tiran Al Qacida kaasi oo la yiraahdo Saleh Al Somali.

Saraakiisha Pentagon waxay sheegeen in Saleh Al Somali uu ahaa nin diyaariya isla markaana maleega hawlaha isqarxinta ee Al Qacida waxaana uu ka qeybqaatay fulinta dhowr hawlgal oo ay Al Qacida ku beegsatey danaha Mareykanka iyo Europe ee meelo ka m,id ah dunida.

Sida ay sheegeen saraakiisha CIA waxaa Saleh Al Somali uu hogaamiye u ahaa koox ka tirsan Al Qacida kuwaasi oo fulanayey hawlo weeraro ah oo laga sameynayey Pakistan, Afghanistan iyo xitaa Afrika.

Waxaana uu ka mid ahaa hogaanka sare ee Al Qacida ee qorsheynta weerarada caalamiga ah, isagoo ah nin isku xira hawlaha Al Qacida ee dunida.

Sida loo maleynayo Saleh Al Somali waxaa uu ku dhintay duqeyn xagga cirka ah oo ay diyaarado aan duuliye lahayn ka sameysay degaano ka mid ah galbeedka Pakistan maalintii Talaadada, saraakiil ka tirsan dowlada Pakistan ayaan ka hadlin weerarkan.

Waxaa uu noqonayaa ninkii saddexaad ee hogaanka Al Qacida ee lagu dilo weerar diyaaradeed oo Mareykanku fuliyo, waxaa hore loo dilay Abu Yaxya Al Libi oo ahaa nin sare oo ka tirsan Al Qacida iyo Saleh Ali Saleh Al Nabhan oo ahaa wakiilkii geeska Afrika.

Qalabka warbaahinta Pakistan ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Saleh Al Somali ay ku dhinteen 3 ruux oo kale oo la socotay Saleh Al Somali.

Wax badan lagama oga sababta uu ninkan u qaatey magaca Al Somaliiyo inuu yahay nin ka soo jeeda Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...