Thursday 24 December 2009

Qasaare nafeed oo ka dhashay dagaalo sii cuslaaday oo maalintii 2-aad ka socda bartamaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Dagaal ayaa maanta barqadii mar kale dib uga bilowday bartamaha Suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaasoo dhexmaraya ciidamada maamulka Puntland iyo ganacsato ka soo jeeda koonfurta magaalada gaalkacyo oo gacan ka helaya ciidamada maamulka Galmudug, kaasoo weli ka socda bartamaha magaaladaasi.

Dagaalka maanta oo ka xoog badan kii shalay labada dhinac ku dhexmaray suuqa magaalada Gaalkacyo ayaa la isku adeegsanayey hubka noocyasdiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka baxsan goobaha uu dagaalka ka socdo ee koonfurta iyo woqooyiga magaaladaasi, kuwaasoo daryankooda laga maqlayo gudaha iyo daafaha magaalada.

Warka ayaa intaa ku daraya in dagaalku uu saameyn aad u xoogan ku yeeshay guud ahaan magaalada, waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka, iyadoo suuqa magaaladana aan maalintii labaad lagu ganacsanin, meelaha qaarna waxaa ka bilowday barakac ay sameynayaan shacabka ku dhaqan magaalada qaarkood. waxaana inta la ogyahay dagaalka maanta oo weli socda ku geeriyooday ku dhowaad 10 ruux halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, mana jiraan ilaa hadda waan waan lagu xalinayo dagaalka socda.

Shaqaaqadan ayaa bilaabatay shalay ka dib markii ciidamada Puntland ay isku dayeen iney ka kiciyaan dhul ganacsato ka soo jeeda koonfurta magaaladaasi taasoo keentay in maleeshiyo ay isku heyb yihiin ganacsatadaasi iyo ciidamada Puntland ay fooda is daraan, waxaana ku dhaawacmay iska horimaad goos goos ah oo illaa xalay dhexmarayey ugu yaraan 10 ruux halka labo kale oo midkood uu ka tirsanaa ciidamada Puntland ay ku geeriyoodeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...