Tuesday 22 December 2009

sirculus ' yaa kadameeya qaraxyda puntland ?

Warar xogo gaal ah oo aan ka helay magaalada boosaaso ayaa sheegaya in falalka ugu badan ee amni xumada ah ee ka dhacaya gudaha puntland ay ka danbeeyaan Ashahaado la dirirku.

Waxaa kaloo shabakadu heshay warar aan wali lacaddeyn oo sheegaya inay ka danbeeyeen dilkii Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab.

xildhibaan ibraahin ayaa u olalayn jiray in laga hortago waxyaabaha ay samaynayaan hogaanka ashahaado la dirirku.{xildhibaanka iyo kooxda ashahaado dirirku waxay isku ahaayeen bisad iyo jiir}.

Waxaa kaloo shabakada boocame heshay warar hor dhac ah oo sheegaya inay ka danbeeyaan weerarkii la doonayey in lagu qaarajiyo guddoomiyaha baarlamaanka puntland Mudane cabdirashiid maxamed hirsi.

warar kan oo aan ka hellay masuuliyiin sar sare oo ku sugan gudaha gobolka bari ee boosaaso kuwaasoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in ashahaado la dirirku ay soo wadaan dhibaatooyin ka dhan ah shacab waynaha puntland iyo maamulka hadda gacanta ku haya ee faroole.
iyagoo xusay inay ka danbeeyeen weerarkii lagu qaaday guddoomiyaha baarlamaanka.

waxaa kaloo masuuliyiintani farta ku fiiqeen niman horay uga ahaan jiray maamulkii cadde muuse oo wasiiro iyo saraakiil sar sare ka haan jiray , kuwaasoo laftigoodu kala jooga garoowe iyo boosaaso waa siday hadalka udhigeene.

shacabka puntland oo u dhexeeya laba daran mid dooro!!!. {alshabaab iyo ashahaado la dirir}

waxaa iyaguna ka faa iidaysanaya oo qaska dhinac kawada kooxaha caqiido ku dagaalanka oo qaraxyada ka dhex tuura shacabka ee alshaabaab kuwaasoo ku sii siqaya gobolada waqooyiga soomaaliya.

Waxaa dhawaan ka dhacay qaraxyo badan magaalooyinka waaweyn ee puntland kuwaasoo ay lug ku leeyihiin qaarkoodna ayba sheegteen qaraxyadii, iyagoo ku soo badanaya gebi ahaanba magaalooyinka ku yaalla waqooyiga soomaaliya.
magaalada buuhoodle waxaa soo galay dad badan oo aan la garanayn,waxaa kaloo soo galay magaalada burco dad farabadan oo iyagana aan la garayn sida aan ku hellay warar xogogaal ah labadaasi magaalo.
Fursaddaha ashahaado la dirirka ay siinayaan alshabaab.

ashahaado la dirirka ayaa iyaguna laga yaabaa inay ka faa iidaystaan fursaddan ay siiyeen kooxaha alshabaab si ay u qaarajiyaan saraakiil sar sare oo muhiim ka ah maamulka puntland.
markii ay qaraxyo ka dhex tuuraan magaalooyinka ,waxay kaloo iyaguna ka dhex wadaan qal qalkale oo qaraxyo ah.

maamulka faroole ayaa ku jaah wareersan isagoo og labadan cadow tallaabada uu qaadi doono,taasoo ah mid maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaysa.

wararkii ugu danbeeyey ee qaraxii garoowe ayaa sheegaya inay lug buuxda ku leeyihiin ashahaado la dirirku kuwaasoo doonaya inuu maamulka faroole khal khal galo.
warar kale oo aan ka hellay garoowe ayaa shegaya inay la damac san yihiin masuuliyiin sar sare oo ku jira dawladda falal dil ah oo noocan oo kale ah.

maamulka madaxeyne faroole ayaa iska indho saabaya ashahaado la dirirka iyagoo awoodda ay ku leeyihiin maamulka puntland ay u saamixi karto inay xitaa si fudud ula wareegaan maamulka puntland laftigiisa.
ciidamada ammaanka ee garoowe ayaa iska xidh xidhanaya shacabka reer garoowe iyo dadka qaxootiga ah oo iyimaddey iyagoo ka baydhaya dadka dhibaatooyinka ka wada puntland.
ilaa xalay waxaa garoowe laga qab qabtay boqolaal qof iyo hubka fud fudud oo ay iska lahaayeen dadkii horey u deggenaan jiray garoowe oo guryahooda iska yaalley.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...