Thursday 24 December 2009

Maxaa xiga Fashilka Madaxweyne Shariif?

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is weydiinayaa waxa xiga Madaxwayne Sheekha Shariif maadaamaa hada la dhihi karo way fashiltay dowladiisa ka dib markii cadowga Soomaaliya uu ku guuleystay dantii laga lahaa Shariifka qunyar socodka ay dhihi jireen.

untii waxa xiga Marka Shariifka uu dhamaysto sanadka u harey ayaa waxaa hubanti ah in Shacabka Soomaaliyeed ee damiirka leh aysan lug ku yeelan doonin sababtoo ah dalka Soomaaliya oo ay ku loolamayaa quwada shisheeye oo isugu jira Reer galbeed iyo Kooxo magac Islaamiyiin wata oo ayaga taageero weyn siiyay Soomaalida si qaldan diinta u fahantay taasoo soomaaliya ka dhigtay ama ka dhigi doonta in mudo ahiba meel aan xasilooneen oo ay ku hooban doonaan inta wax gal ka ah Ummada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa macluul iyo barakac weyn sii wajahi doona shacabka miskiinka ah ee lagu saliday ma naxayaasha u shaqeeye sirdoonka reer galbeedka iyo kooxa Islaamiyiin ah oo caalami ah oo danba aan ugu jirin in Soomaaliya ay degto.

Sida wax noqon doonaa Allah uunbaa garanaa, balse hadaan yara ifino ifafaalaha noo muuqda ayaa waxaa la dhihi karaa waa mid muqgdi badan oo laga yaabao hada meesha Soomaaliya ay mareyso mid ka sii xun inay sii gasho maadaamaa, wali kooxaha Soomaaliya isku haaya aysan garwaaqsan inay yihiin dad u shaqeeya shisheeye, shacabkana diyaar uma haya inuu ka soo horjeesto kooxahaas, sida Kooxda jabuuti lagu soo dhisay, Kooxda Xisbul Islaam, iyo Kooxda Shabaab. Sababtoo ah waxaa la wada ogsoon yahay in wasiirada iyo xildhibaanada ku jira dowlada Shariifka qaar kood ay u shaqeeyaan Sirdoon caalami ah oo ku xiran wadamada Carabta, Reer galbeeda iyo Israel, waxayna ka shaqeeyaan in arinta Soomaaliya la sii murjiyo.

Labada kooxeed ee soo haray ayaga warkooda iskaba daayaa, maadaamaa aysan kala fahmeenin qof dhab ay ka tahay ku dhaqanka shareecada islaamka, oo way iska aaminaa qofkii Shisheeye ah ee gar soo deysta wuxuu doona ha ahaadee, ayadoo caalamka haatan u maraayo inaadan aaminin qof aadan haynin Taariikhdiisa, sidoo kale waxaaba haysta faham yari xoogan oo dhinaca diinta ah gaar ahaan sida loo dbaqayo Siyaasada sharciga ah ee islaamiga, sidaas darteed, iyana waxay qayb ka yihiin dadka sii murjinaayo xaalad jahawareersan ee Soomaaliya.

Hadaan si kale hadalka u dhigo, waxaa ka buuuxa guud ahaan kooxaha ka dhisan Soomaaliya, iyo maamulada ka dhisan Soomaaliya sida Somaliland, iyo Puntland sirdoon u shaqeeye wadamada deriska ah iyo kuwa reer galbeed ah, waxayna Soomaalidaas inuu yihiin madaxdeena, kamana shaqeeyaan danaheena, waxaana naga buuxa dad u taageeraya qabyaalad darteed. Waxaana si kooban loo dhihi karaa cadowga Soomaaliya si weyn ayuu u guuleystay.

Marka hadaan u soo laabto, su'aasha ah Maxaa xiga Fashilka Madaxwayne Shariif?, inkastoo jawaab aan lagu degdegin Karin, haadana hadaan toos u galo Fashilka Shariif, waxaa xiga waxaan u fiicneyn dhagaha wadaniyiinta Soomaaliya gaar ahaan dadka jooga gudaha Soomaaliya. Dhab ahaantii, waxaad aragtaa in hada cadowga Soomaaliya, uu si weyn u taageerayaa Ururada diimeedka Sida Ahlu suna iyo Shabaab, kuwaaso meelo badan ka taliya, waxaana la wadaa shirar lagu majaxaabinaayo Dowlada shariifka kuwaasoo hada ka socda gudaha Soomaaliya.

Hadaba, maxay tahay Ujeedada loo taageerayo Kooxahaas Soomaaliya ? oo maxaa diiday in Caalamka si dhab ah u taageero Dowlada Shariifka? Hadaan si kooban u iraahdo, waxaa kooxaha loo taageerayaa in xaalada Soomaaliya la sii huriyo, oo holoca socda ayaa lagu shubayaa Basiin, si loo gaaro danaha laga leeyahay Soomaaliya, sidoo kale waxaan Shariif loo taageereynin waxaa weeye, waxaa ku jira qolyo yar oo Islaamiyiin ah oo xoogaa ay ku dambayso Soomaali nimada, sidaas darteed waxay Qatar ku noqon karaa danaha fog ee laga leeyahay dalka Soomaaliya, oo ah in marka hore la waayo wax QARAN LA YIRAAHDO, ka dibna la waayo Dhul iyo Dad taasna hada meel fiicn bay u maraysaa cadowga Soomaaliya, anagase waxaan mareynaa wadaado aan siyaasad aqoonin oo seddexda koox hor boodaya.

Sidaas darteed, Shariif ka dib waxaa Soomaaliya hareen doono mowjado Siyaasadeed oo ka xanuun badan kuwa hada taagan, maxaa yeelay booska Shariif sh Axmed waxaa la soo galinayaa qof aan wadaad ahayn oo reer galbeedku ay aamin karaan, taasoo ay barbar socon doonto fara galin qaawan oo lagu sameeyo dhulka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa la isku dayi doonaa in la tirtiro Islaamiyiinta ku xoogan koofurta Soomaaliya, taasoo sii xumayn doonta qadiyada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa la isku dayi doona in laga faaideysto xooga Ahlu suna wal Jamaaca, waxayna helayaan taageero rasmi ah, hayeeshee waa lagu danaysan doonaa mooyee, laguma aamini doona hogaanka dalka Soomaaliya, laakiin waxaa loo isticmaali doonaa sida Kooxda Sh shariif ka dibna meeshuu marey bay marayaan. Waxaasoo dhan waxaa fulin doona cadowga Soomaaliya oo hadaba ku dhex jira kooxaha Soomaaliya dhamaan, hase ahaatee qofka Soomaaliga ah gaar ahaan, wadaadka ah lama fahamsiin karo waxa Siyaasad tahay, Sirdoon yahay, dowladnimo tahay.

Sadaro kooban waxaa lagu dhihi karaa, Madaxwayne Shariif ka gadaal Soomaaliya, waxay galaysaa in Taageero la siiyo Ahlu Suna, in faragelin Maleteri lagu sameeyo Dalka Soomaaliya si loola dagaalama Islaamiyiinta ku xoogan koofurta Soomaaliya, iyo dowlad kale oo maqaar saar ah la soo dhiso taasoo iyana cadowga ula jeedo sii dheereynta mashaqada dalkeena soomaaliya. Waxaa tan barbar socon karta, in gobalka Puntland inuu noqdo si Somaliland, waana guul weyn u soo hooyatay cadowga Soomaalia,, waxaa dhici kara inay ku daydeen gobalo kale oo dhaca koofurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaana qabaa hadii aan meel looga soo jeesan, misana ay san fahmin garabyada Soomaaliya ee u shaqeeya cadowga waxa ay tahay qaranimada, in la wayn doono Magaca qowmiyada Soomaalida iyo Dhul weynaha Soomaaliya oo markiisa horaba wax badan ka maqnaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...