Sunday 13 December 2009

Afar Oromo ah oo Boosaaso lagagu diley

Boosaaso, (RBC Radio) Meydka 4 nin oo u dhashey qowmiyada romada e dalka Ethiopia ayaa xaley laga soo heley beer ku dhow garonka diyaaradaha ee Boosaaso, halkaasi oo ay ka soo qaadeen ciidanka booliska.

Meydka 4 nin ayaa saaka la keenaya isbitaalka guud ee Boosaaso halkaasi oo saxaafada lagu tusay, waxaana sida la sheegay nimankan ay ahaayeen shaqaale xoogsato ah.

Mid ka mid ah odayaasha Oromada ee ku nool Boosaaso oo u waramay RBC Radio ayaa sheegay in nimankan ay ka shaqeynayeen beer khudaarta lagu beero oo ku taalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Boosaaso halkaasi oo meydkooda laga soo qaaday.

Odaygaasi waxaa uu sheegay in nimankan la sumeeyey oo la siiyey cunto sumeysan, taasi oo looga shaki qabo inay ka dambeeyeen dadkii beerta iska lahaa, kuwaasi oo ixin kari waayey lacagtii ay yeesheen shaqaalaha ka dibna sumeeyey shaqaalaha Oromada si ay u baabi’iyaan lacagta ay ku shaqeeyeen intii ay beerta joogeen.
Oday Maxamuud oo u waramay RBC Radio

Oday Maxamuud oo u waramay RBC Radio



Waxaa goobta isbitaalka isugu yimid Oromada ku nool Boosaaso oo iyagoo ka xun ragga afarta ah ee la dilay soo booqday meydadka oo yaaley markaasi qeybta mydka ee isbitaalka guud.

Oday Maxamuud oo ah odayga u hadlay qowmiyada Oromada ayaa sheegay in sidoo kale labo nin oo kale oo Oromo shaqaale ah lagu dilay beeraha Boosaaso ka dib markii ay u doodeen lacag xuquuqdooda ahayd oo ay shaqeysteen oo ay ku yeesheen dad Soomaali oo ay u shaqeeyeen.
Qaar ka mid ah Oromada

Qaar ka mid ah Oromada



Waxaana arintaasi uu odaygu ku tilmaamay inay tahay mid ka baxsan diinta Islaamka iyo xuquuqda bani’aadamka in dad lagu shaqeystey haddana la sumeeyo oo naftooda la dhaafiyo.

Saraakiisha booliska nooma suurogelin inaan arintan wax ka weydiino, waxaase la inoo sheegay in meydadkan ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan booliska oo lagu wargeliyey xaley in meydadkan ay yaalaan beero ku dhow garoonka diyaaradaha.

Dowlada hoose ee Boosaaso ayaa inta badan xil iska saarta aasitaanka meydadka dadkooda la garan waayo iyo kuwa ajnabiga ah ee ku dhinta Boosaaso.

Magaalada Boosaaso waxaa ku nool boqollaal Oromo ah oo isugu jira rag iyo dumar, oo miciin biday amaanka ka jira Puntland kuwaasi oo qaarkood ka xoogsada magaalada, kuwa kalena waxay ku baxaan safarka tahriibka ee doonyaha looga raaco xeebaha gobolka Bari.

Hase waxay dadkan oo intooda badan Muslim ah la kulmaan dhibaatooyin ay kala kulmaan dadka Soomaalida ee ay ku dhex nool yihiin.

Waxaa sidoo kale labo jeer dad Oromo ah lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada oo si gaar ah loola beegsaday goob ay ku badan yihiin Oromada.

DAAWO SAWIRO BADAN:

m4



m5



m7



m6



m8



m9



m2



m10





RBC Radio

* Share/Save/Bookmark

Readers Comments

1.
xaange says:
December 13, 2009 at 1:10 pm

Waa arrin aad looga xumaado dad masaakiina oo xoogooda ku shaqaystay inta xaqooda loo duudsiyo in hadana dil loogu daro. Waxaan oran lahaa reer Boosaaso arinkaa xaqdaradaa ee magaalada ka dhacday culimo iyo wax garadba haka dhiidhiyaan oo dadkaa masaakiinta ah oo walaalohooda xaqooda hala siiyo. walaahi hadii aan sidaa la yeelin ilaah wuu inoo caroonayaa Boosaasana inaanay Muqdisha halka ay maanta marayo aanay ka sokeynayn ileen waynu la soconaa waxa maanta koonfurta ka socda waa cuqubadii ay dadka kale iyo iyaka dhexdoodu ay iska galeene.
2.
omar says:
December 13, 2009 at 2:35 pm

To: xaange
waryaa xaange doqon baa tahay waxaana hilmaamtay ifo iyo kaakumu lakin mar labaad baa u noqonee hadii aadan cuqdadaan iska bixin koonfurtana waa ninmkaaga ee mar kale hasoo qaadin magaca koonfurta
3.
abdi rashiid cigaal cawaale says:
December 13, 2009 at 2:40 pm

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
war meesh miyaan culimo joogin , miyaan wax ilaah ka cabsadaa joogin, miyaan wax islaam ku abtirsadaa joogin , war xataa walaahi gaaladu ma samayso ,war aaway booliska iyo sharciga aad sheegtaan
mise hal dhan buu u shaqeeyaa , walaahi hadaan falkaan dadka sameeyey hadaan iyagana la layn , dad kale ayaa sameeyn
doona haday soo noqotana cara alaa nagu soo dagdagin , walaahi tani wa inay joogsataa oon maqalaa ciqaabta la marsiiyey dadkii waxaan sameeyey
anugu gobalkaan ayaan u dhashay , maanta ayaan ugu raja xumahay, waa baqay waa baqay oo gobalkaan u baqay waxaa iga talaa oo iga talaa halaa reer boosaasow
qaban qaabiyo banaan bax wayn maamulka gobalkana ha lagu qasbo inuu sidegdega
arintaan wax uga qabto oo waliba dadka beerta leh haday ku cadaato ,waana u egtahay inay iyaga yihiin, waa inaanay ka danbayn dhulkana lagala wareego
4.
cajiiiiib says:
December 13, 2009 at 3:09 pm

cajiiiiiiiiib waxaan la yaabanahay sida qof ilahay garanaya waxaan oo kaleuu u gaysan karo dadku ma, waxay iloobeen in ninkii dhiba dadka ku dhex nool ay cadha ala ay ku dhacayso oo uu gacantiisa isku xasuuqi doono siada haysata dadka soomaaliyeed ee aan dariska nahay
5.
abdi says:
December 13, 2009 at 3:14 pm

wixii dhintay oo muslim ah alaha u naxariisto laakiin seef la bood horta yaan la qon cidshay dadkaan macada una malayn mahayo qof boosaaso u dhashay in uu qof u dilahyo dayn buu kugu lee yahay waliba qof oramaa maxuu u dilayaa muu bax kaliya yiraah shilin ku siin mayee. baroortu orgiga kawayn cagligu ha taliyo
6.
Daar Wayn says:
December 13, 2009 at 3:53 pm

this is truely sad, Faroole Administration has to do something about it.
7.
PUNTLANDER says:
December 13, 2009 at 3:55 pm

KAN KAAKUMA KA SHEEKEYNAAYA OO OMAR LA BAXAY WAXAAN ORAN LAHAA HADDII AAD WAA OGEYD IN KAAKUMA DADKII MUQDISHO AAD KA BARA-KICISEEN AY DAGEEN, DADKAAS MAANTA KAAKUMA KUMA JIRAAN, OO IYAGOO B/BOORO AJANABI AH WATA AYAY DIB UGU SOO NOQONAYAAN DALKOODA HOOYO. GURYIHII AY KAAKUMA & DHAGAXLEEY KA DHISTEEN 1991, MAANTA ADAA KIRO UGU JIRA OO ISAGOO YURUB JOOGA KIRO HALKAA UGA SOCOTAA. MARKA KII MAR HORE QAXAY, WAQTI WAX KALA SOCDEEN & ADIGA OO HADDA QAXOOTI AH KEE FIICAN. SU’AASHAAS HADDII AAD CAQLI LEEDAHAY JAWAABTEEDA LA LEELEEXAN MEYSID. HADDAAN WIXII BOOSAASO KA DHACAY U SOO NOQDO, WAXAAN LEEYAHAY HADAAN REER PUNTLAND NAHAY WAAN KA XUNNAHAY WAXA KA DHACAY MAGAALADA BOOSAASO, SIDA DADKAN LAGU YAQAANANA WAXAAS OO KALE UMA DULQAATAAN SHARCIGANA WAA LA MARSIIN DOONAA CIDDII KA DAMBEYSAY.
8.
Reer Mudug ! says:
December 13, 2009 at 4:25 pm

Lacag la isku leeyahay la iskuma dileee… Tan kale nin beer ka shaqaynaya lacag loo khaarajiyo maba ku shaqeeyo oo waa wax aan sidaas u badnayn….Dadkan sidaan qiyaasayo cadwaado iyo arimo siyaadadeed baa loo dilay…. Waana in maamulku uu baaro…………
9.
Mohamed says:
December 13, 2009 at 4:39 pm

INAA LILAAHI WAINAA ILEYHI RAAJUCUUN.

WAXAAN AAD UGA XUNAHAY DHIBAATADA KADHACDAY MEESHAAS OO AY KUTILAABSADEEN DAD DULMILAYAAL AH, HADAY U DHACDAY SIDA MEESHA KUQORAN, ILAAHAY WAXAAN UGU BARYAYNAA INUU U NAXARIISTO MARXUUMIINTA KUWII DANBIGA KAGALAYNA ADUUN IYO AAKHIRABA CIQAAB KUMUTAYSIIYO.

BAAQ: KU

. MADAXWEYNAHA
. MAXADWEYNE KUXIGEENKA
. MAXKAMADA SARE
. GOLA DOWLADA
. GOLAHA SHACABKA
. GOLAHA ISSIMIDA IYO CUQAASHA
. HOOYOOYINKA
. DHALINYARADA IYO BAHDA SAMAHA

WAXAAN ANOO KUHADLAYA DHAMAAN MAGACA UMADA SOOMAALIYEED, KHAASATAN REER PUNTLAND EE SAMAHA JECEL OO DULMIGA NECEB, JECELNA INAY U HIILISO XAQA, XAQDARADANA KADIGTO. INTAAS AAN KOR KUSOO XUSAY OO MAANTA NOOGA DHOW DHULKA FALKU KADHACAY KUNA SUGAN ADUUN IYO AAKHIRANA WAX LAGA WEYDIINAYO WAXAAN KACODSANAYNAA INAY ARINKAAS TILAABO DEG DEG AH LAGA QAADO SHARCIGANA LAHORKEENO DULMIILAYAASHA. ALLAH, SUBXAANAHU WATACAALAA DULMIGA MAJECLA, TAAS OO KALENA WAA WAXYAABAHA LAISUGU CAROODO, CARO CAAMA AYAANA KADHACAYSA, MUSIIBO CAAMA AYAYNA SABABAI KARTAA. DANBIILAYAASHA QOYSKAY KADHASHEEN, IYO QIRADA AY LEEYIHIIN HADII LOOGA GABADO DANBIGA WAXBAAD KUYEELANAYSAAN EE OGAADA, KHAASATAN RAGA IYO DUMARKA MASUULIYADA UMADA U HAYA, GURYIHIINA AYAY INII KUSOO GALAYSAA, OO CARUURTIINA AYAA SIAAN LOO JEEDIN AMA SILOO JEEDO LOO SUMAYNAYAA.

WSWW, ADCAFUL IIMAAN BAY NAGA JOOGTAA
10.
c/qaadir says:
December 13, 2009 at 4:59 pm

reer puntlanoow somali tii laoran iray wanaag way diiday hakudayanina waxaan idin kula talin lahaa in aad ugu horayn amaan kiina ka adkaataan aadna ka hortagtaan jariimooyinka noocaas oo kale ah lagu samynayo ciidiina iyo dadka masaakiinta ah ciday doonaan ha,udhasheen mee shay doo naana haka yimaadeen oo aad uga jee daan munkarka oo aad diidaan iyo xaqa ood uhiilisaan
ii naan maamulkana ku adeecin in dad masaakiin ah loo dhiibo cidkale.
hadaad taa keen taan waad lii baanay saan hadii kale waxaad ku socotaan wadadii xumayd.
11.
orgi shuruf leh. says:
December 13, 2009 at 7:25 pm

majeerteen odooogiina alla cadaab yaa masaakiin madaxa kaga istaagay, ragna ka cararay.

inay dad shacab ah oo marti masaakiin ah laayaan meehee bal car ha aadeen LAASACAANO IYO SOOL, SANAAG, bal car IIDOOR wax hala qaybsadeen
12.
Faarax guleed says:
December 13, 2009 at 9:11 pm

Hormar ayaa loo diidan yahay ma waxay dhashay maskiinta in la laayo awal ayaan yaabaayay faruureey ayaa fiqi dhashay kuwaasi waa dhinteene allana ha u naxariistee waxan u baqaa odayga sheegay in la sumeeyay ineey khaarajiyaan ileen waraabe nin yeela waayahee
13.
gabal says:
December 13, 2009 at 9:59 pm

inaallilaahi wa innaa ileyhi raajucuuu

arintaan waxay umuuqataa midmusiibaa cida sameysayna waa cid jariimo weyn sameysay waxayna u taalaa oo mus’uulka ah reer buntiland in ay wax ka qabtaan.haddiinaan wax ka qabana walaayaxiiqu makri sayi illaa bi ahlihi
14.
Hassan says:
December 13, 2009 at 10:47 pm

balmaanta dilayay oo sumeeyee bari xagee buu adaan ilaan waa la’isaga daba imaane maalin aan maal kan hada uu ka masuu gayo uu san waxaba u qaban doonin waxaanu waa iska aduun oo hada ayuu dhamaanayaaye.
15.
c/qani says:
December 13, 2009 at 11:23 pm

Inaa lillah wainaa ileyhi rajicuun, Ma Melis zanaw aayiri Ogaadeena iisoo gacan geliya Oromadana laayay waaba caadadood ee maaha ceebtood, Nolosheyda ma arag iyago dhibatada musliminta khdhidhina ama kamudhahardaa culumadod camigod yarkod weynkod walee Taarikh waa ka gasheen Somaliya ha idiin ficnato ama ha idiin xumaatee.
16.
oskerpanic says:
December 14, 2009 at 12:23 am

war reer puntlanoow talo mahaysaan walaahi oo thuma walaahi meeshi dulmi lagu sameeyo oo rabi raali ka aheyn alle wuu badalaa wuxuuna gacanta u gashaa qoom kawanaag badan kuwi hore marka hada awood umalihidiin inaad xakameysaan masiibadaan maxaa yeelay waa minalaahi reer puntlanoow waxaad sugtaan waa qoomkii badalay dulmiilayaashii diigyacabyadii xaaraan cunayaashii la oran jiray qabqablayaal kuwaasoo katalin jiray koonfurta dalka oo dhan hadalkan xasuus ayuu unoqon doonaa madaxda iyo shacabka puntland
17.
Jubbaland says:
December 14, 2009 at 12:53 am

Waa in la toogtaa ninka beerta iska leh. Haddii kale Oramada waxaa dhameynaya mooryaanta Majeerteenka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...