Saturday 12 December 2009

Madaxweynaha Puntland oo magacaabey guddi amaan

12 Dec 12, 2009 - 1:01:38 PM

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabey guddi amaan oo ka kooban Wasaarado, Booliska, Daraawiishta iyo Garsoorka.

Gudigaan oo uu madax u yahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire ayaa sida ku xusan wareegtadaan ka shaqeyn doona qaabka loo wajahi karo adkeynta amniga Puntland.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ku weheliya gudigaan, Wasaarada amniga, Wasaarada Gadiidka, Taliye-yaasha ciidamada Puntland iyo Xeer ilaaliyaha dowladda.

Guddigaan ayaa dhinaca kale waxa hoos imaan doona guddiyo laga dhisi doono dhamaan gobolada ay ka koobanto dowladda Puntland kuwaasoo kawada shaqeyn doona adkeynta amniga.

Warsidaha Garowe Online oo wax ka waydiiyey qaabka shaqo ee guddigaan sarkaal ka tirsan hayádahaan loo xilsaarey ayaa sheegey in daraasad dheer ku sameyn doonaan xaaladaha amni darada keena ee Puntland.

Sarkaalkaan ayaa sheegey in guddigaan wax ka ogaan doona in baaris adag lagu sameyn doono gadiidka kasoo gala Puntland Koonfurta Somalia, Xawiladaha oo shuruuc adag lagu soo rogo doono, hor-istaaga dadka tahriibta u socda, la xaajoodka shirkadaha Taleefanada, diwaan galinta dadka ka yimid Koonfurta Somalia ee ganacsiga ku haysta Puntland iyo in la ogaado dadka Hotelada ku soo dagaya kuwaasoo la ogaan doono goobaha ay ka yimaadeen iyo halka ay u socdaan.

Gudigaan howlahooda bilaabey maalinta ay Waregtadaan ku soo baxeen iyaga oo maanta 13 Dec,2009 iyo xaley shir aan u kala kicin sida warar hoose Sheegayaan kuwaasoo la filayo in goáamo soo saari doonaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...