Wednesday 9 December 2009

Suxufi Reer Puntland ah oo ku Guulaystay Abaalgud Caalami ah

Weriye Maxamed Axmed Maxamed (Ilkacase) oo ka mid ah Suxufiyiinta reer Puntland ayaa ka mid Noqday Sadex Suxufi oo African ah oo ku Guulaystay Tartan ay Qabatay Idaacad la yiraahdo Radio for Peacebuilding Africa Tartankan ayaa ku saabsanaa Barnaamijyada Nabada ee ay sii daayaan Suxufiyiinta Africanka ah. Abaal Marintan waxaa la yiraahdaa Radio for Peacebuilding Africa Awards 2009 waxaana ka Qayb galay in ka badan 200 Boqol oo suxufiyiin African ah.

Maxamed Axmed Ilkacase ayaa Tartankan kaga Qayb galay Barnaamij 8 Daqiiqo ah oo ku saabsan Sida ay Shaqadu u Caawiso Nabada (Youth employment builds peace in Somalia) Idaacada Tartanka Qabatay oo ku Taala Dalka Finlnad waxay ka shaqaysaa Arimaha Nabada Africa waxaana Taageera Wasaarada Arimaha Dibada ee Finland

Tartankan waxaa Garsoorayaal ka ahaa Afar Qabiir oo Saxaafada Aduunka Magac ku leh kuwaas oo kala ah
• Kidi Bebey, ex-editor in chief of 'Planète Jeune' and later presenter of 'Reines d'Afrique' on Radio France International (RFI);


Ilka Case oo Guulaystay

Weriye Maxamed Axmed Ilkacase wuxuu Saxaafada ku soo biiray Sanadkii 2002 Isagoo Arday ka Ah Dugsiga Imaamu Al Nawaawi ee Bosaso ku yaala wuxuuna ugu horayn ka shaqo bilaabay Idaacadii la oran Jiray Radio Midnimo ee burburtay wuxuu sido kale ka soo Shaqeeyay Idaacada iyo TV-ga SBC ,Waxaa kale oo Maxamed Axmed Ilkacase ka shaqeeyaa Wakaalada Wararka ee Qaramada Midoobay ee IRIN Laanta Af-somaliga iyo sidoo kale Tv-ga Caalamiga ah ee ETN Nairobi
Horaantii Sanadkan 2009 wuxuu Ilkacase ku Guulaystay Abaalgud kale oo la yiraahdo (UN Media Awards For Somali Journalist) oo ahaa abaalmarin ay Qaramada Midoobay bixisay

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...