Thursday 24 December 2009

Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyey dagaalada Gaalkacyo.

24. december 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa maalintii labaad ay uahayd maanta oo ay ka socdaan dagaalo qaraar, kuwaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo udhaxeeya dhinacyada dagaalamaya iyo Shacabka magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac ee dagaalamaya ee kala ah Ilaalada dawladda Hoose iyo Maleeshiyaadka dhinaca Galmudug, waxaana dagaaladu ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac kala duwan, isla markaasna ayna hada wali socdaan dagaaladaasi.

Dhinaca Koonfureed ee magaalada ayaa bilaabay in ay qaar ka mid ah Madaafiicda goobta uadeegsadaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana hada khasaaraha ay geysteen ay tahay dhimasho soo gaartay dadka rayidka ah ee magaalada.

Galmudug ayaa beenisay in ay lug ku ledahay dagaalka, balse taasi waxaa beeniyey dad wargal ah oo jooga goobaha ay dagaaladan ay ka dhacayaan.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in lugu soo qaaday markale maanta duulaan xoog leh, kaas oo ay sheegeen in lugu wajahay ciidamadooda amaanka ee xalay joogay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay dhimasho iyo dhaawac kala gedisan, waxaana Cusbitaalada Koonfureed iyo Waqooyi la geeyey dhaawacyo kala gedisan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...