Tuesday 22 December 2009

Faroole oo sheegay in gacanta ku hayaan dadkii ammaan darrada waday

M/weyanah Puntland Dr C/raxmaan Max’ed Faroole ayaa maanta shaaca ka qaaday inay hayaan guud ahaan dadkii ammaan darrada ka waday magaalooyinka waaweyn ee Puntland,isagoo si gaar ah u carabaabay inay soo qabteen dadkii dilay guddoomihii maxkada darajada Koowaad marxuum Max;ed Cabdi Awaare iyo Xilbaankii lagu dilay magaalada Garoowe.



Dr Faroole ayaa sheegay inay Puntland ahayd meel hooyo u ah ummadda Soomaaliyeed oo dhan hase yeeshee wanaagaas dadka qaarkiis ay u istimeel si qaldan xabadana ugu abaal guday halkii hoyga nada ay ugu yimaadeen.



M/weynaha ayaa carabaabay in arinta ay shidayaan shaqsiyaad gacan saar la leh kooxaha argagixisada ah mase sheegin kuwaasi cidda ay yihiin.



Maamulka Puntland ayaa mudadii ugu danbaysay waxaa uu la tacaalayey dilal iyo qaraxyo joogta ah oo lala beegsanayey dad aan waxba galabsan tan ujeeda ka danbaysaa ahayd sidii afka ciida loogu dari lahaa nabada ay ahaysataan dadka ku dhaqan Puntland.



Waxaa jira warar isi soo taraya oo sheegaya in dhibaatan ay fuliyaan dadka gobolka u dhashay oo diidan xasiloonida gobolka Puntlnd oo isagu horray caan ugu ahaa nabad gelyada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...