Tuesday 22 December 2009

Shirweynaha Ahlu sunna waljameca uga socda Caabudwaaq oo lagu soo bandhigay qaab dhismeedka maamul loo sameynayo goobaha uu gacanta ku hayo ururkaasi

Shirweyne culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca maalintii 4-aad uga soconaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa inuu galayo marxaladdiisii ugu muhiimsaneyd oo ku aaddan qaab dhismeedka maamullo loo samaynayo goobaha ay ka taliyaan culimaa’udiinka Ahlu Sunna wajameeca ee gobolada dhexe ee dalka Somalia.

Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankaas oo soconayay mudo dhowr maalmood ah looga hadlay danaha iyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed iyo doorka culimaa’udiinka Ahlu Sunna kaga aaddan difaacidda Diinta, Qaranimada iyo Midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi wuxuu sheegay in kulankaasi bayaan ka soo baxay shalay gelinkii dambe laysku af gartay qodobo ay ka mid yihiin in la magacaabo Gole Shuuro (Baarlamaan) oo tiradoodu gaarayso 41 xubnood, Gole Fulin oo ka kooban 13 xubnood iyo Golaha Marjaca iyo Iftada oo ah kan ugu sarreeya golayaasha oo awoodda leh oo isagana ka kooban 7 xubnood.

Waxaa uu intaa ku daray Afhayeenka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi in maanta la gudo galayo doorashada xubnaha guddoomin lahaa saddexdaasi gole, waxayna doorashada la gelin doonaa cod hal dheeri ah oo musharixiinta u tartamaysa mas’uuliyiinta ugu sarreysa golayaashaasi ay kala saari doonaan ergooyinka ka qeyb galaya shirkaasi, sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in lga doodi doono magaca loo bixin lahaa maamulkaasi cusub.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...