Saturday 26 December 2009

Xog: Halkee ku dambeeyay e-passports Soomaaliya ?!

26. december 2009

Waxaa qoray: Nuur Xaashi Salaad
Muqdisho, Soomaaliya
nxaashi@gmail.com

Sannadkii 2004 dawladii dalka Kenya loogu dhisay Soomaaliya waxqabadyadii ugu balaarnaa ee ay hirgalisay waxaa ka mid ahaa hirgalinta baasaboor casriya oo la mid ah midka ay isticmaalaan dawladaha horumaray , kaasoo ahaa mid aan la badalikarin ama la koobiyayn karin.


Nofember 2006 safaarada Soomaalida ee Nairobi ayaa markii ugu horaysay laga furay xafiis qaabilsan bixinta baasaboorka casriga ahaa

27-kii Nofember 2006 safaarada Soomaalida ee Nairobi ayaa markii ugu horaysay waxaa laga furay xafiis qaabilsan bixinta baasaboorkaasi, waxaana xafladii lagu furayay ka soo qeyb galay Raysalwasarihii xiligaas Prof. Cali Maxamed Geedi, Wasiiro, Xildhimaano iyo Diblamaasiyiinta fadhida Nairobi, ka dib waxaa xafiisyo bixiya baasaboorka cusub laga furay Baydhabo oo ahayd xaruntii dawladu fadhiday, bishii december 2006 waxaa laga furay Garowe iyo Boosoaso, waxaana lagu xijiyey Addis-Ababa, Dubay, Gaalkacyo, Lascanood, Abudabey, Jidda, Zanbiya, Muqdishu iyo Djabuti, guud ahaana meelaha laga furay xafiiska bixinta baasabooka cusub waxay garayeen 14 xarumood, xarumahaasi waxaa maanta ka furan afar xafiis oo kaliya, iyadoo kuwa xirmayna ay u xirmeel maamul xumo soo wajahday qaabka bixinta baasoboorka cusbaa.

Taliska Hoggaanka socdaalka oo masuul dawlada uga ah hawha basaboorka ayaa lugu eedaynayaa burburka ku yimid bixinta baasoboorkii cusubaa.

Taliyaha taliskaas Col. Gaafoow ayaa ku guul daraystay inuu bixiyo mushahaarka shaqaalaha hawl wadeenada ka ahaa xarumaha bixiya baasoboorka, shaqaalaha oo aan helin sagaal bilood mushaharkooda ayaa markii ay dalbadeen mushaharkoodii waxaa Col. Gaafoow jawaab uga dhigay inuu shaqada ka cayriyo.

ARAGTIDAADA

Warbixintaan markaad akhridid aragtidaada noogu soo dir emailka raadgure@gmail.com

Xafiisyada wali furan ayaa niman dulaaliin ahi dadka ka qabtaan araajida ay ku codsanayaan baasaboorka cusub, laakiin ma helaan baasaboorkii oo sharikadii samaynaysay ayaa hakisay baasabooradii ay samaynaysay ka dib markii ay wayday kharashkii ay ku samaynaysay, dadweynaha araajida laga xareeyay ayaa dhib badan ku qaba maqnaanshaha baasoboorka iyadoo ilaa sideed bilood aan dadkii loo keenin, halka madaxa hogaanka socdaalku uu door biday in uu hantidii dadweynaha iyo mushaharkii shaqaalaha uu guryo uga dhisto Muqdisho, iyadoo uu hadda guri qasri ah ka dhisanayo agagaarka gurigii Gen. Maxamed Shiikh Cosmaan ee xaafada Buulo Xuubeey.

Dakhliga Kasoo Xerooday Baasoboorka Cusub:
Nofember 2006 Ilaa Janaayo, 2009 waxaa hogaanka Socdaalka ka soo galay baasoboorka cusub lacag dhan $1,984 900.

Sharcigii oo badalay:

Waxaa khatar ku ah qaaadashada jinsiyada Soomaalinimada waa badalaad uu taliyaha hogaanka socdaalku ku sameeyay sharcigii qaaadashada baasoboorka cusub oo awal lagu qaadan jirey in qofka raba baasaboorku uu yimaado xafiiska fomkana looga buuxiyo, masawirka iyo faarahana isla meesha ayaa looga qaadi jiray, taas wuxuu Gaafoow ku badaley hab suuq madow ah oo wuxuu samaystay niman mukhalisiin (dilaaliin) ah oo qofkastoo raba baasaboor u dalba iyadoo qofka aan la hubin inuu Soomaaliya yahay iyo in kale. taasoo ka dhigaysa in dad itoobiyaan iyo eretereeyaan ahi ay baasaboorka Soomaaliga ah ku qaataan lacag yaroo laga qaata.

Baasoboorkii Cagaarnaa oo la soo celiyay:

Markii uu ka dhamaaday E Passport-gii oo sharikadii ka joojisay ayuu Gaafoow soo celiyay baasaboorkii cagaarnaa oo sidda sahlan loo koobiyayn karo, kaasoo si sahlan ay ugu samaynayaan mabdacaduhu.

Nuur Xaashi Salaad
Muqdisho, Soomaaliya
nxaashi@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...