Friday 25 December 2009

Fahfaahin dagalka Galkacyo, Darawiishta oo la xoojisay

25 Dec 25, 2009 - 12:51:05 AM

Dagaalkii ka socdey labada maalomood magaalo madaxda gobolka Mudug ee Galakacayo [Puntland] ayaa waxaa shaley 24 Dec,2009 ku dhintey Taliyihii saldhiga Miir iyo ku-xigeenkiisa [Puntland] oo ku yaal duleedka gobihii iska-horimaadyadaan ka dhaceen.

Taliye Muse Dhqub iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhintey kadib markii kooxihii dagaalka wadey weerer gaadmo ah ku-soo qaadeen magaalada duhur-nimadii shaley 24 Dec,2009 kaas oo sababey in ciidamada Daraawiishta Puntland soo galaan dagaalka.

Ciidamada Daraawiishta ayaa isticmaaley hubka waaweyn oo uu ku jiro Taankiyada kadib marki dagaalkaan gaadmada ahaa ay sidoo kale ku dhinteen dad rayid ah oo gaaraya 11 qof iyo labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda hoose.

Dagalkaan oo magaalada Galkacayo ka dhacey xiliyo kala duwan ayaa sii xoogeystey maalintii shaley 24 Dec,2009 kaas oo sababey khasare badan oo nafeed kaasoo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dirirtan ayaa horey u bilaabtey kadib markii Duqa Galkacayo [Puntland] howlo nadaafadeed oo ku kooban Woqooyiga magaalada.

Dadka daga xaafada Baraxley [Koonfurta Galkacayo] ayaa gabi ahaanba diidey iney u samaxaan dowladda hoose in suuqaan laga baxsho jidad loo maro islamarkaana la hagaajiyo nadaafadiisa.

Duqa Galkacayo oo mar sii horeysay u waramey Garowe Online ayaa sheegey in howlahaan nadafadeed aysan aheyn mid looga rarayo dakaan suuqa balse aheyd jidad laga furayo halkaas madaama amaanka maagaalada sugayo.

"Kama qabno waxba hadii ay ka kireysanayaan guryaha dadka iska iska leh balse anagu waxaan u soconaa hagaajinta jidadka halkaas gala ama kasoo baxa iyo nadaafada suuqa" ayuu yiri duqa magalada Galkacayo [Puntland] mar uu la hadlayey Radio Garowe.

Rabshadahaan ayaa bilowdey kadib markii dadkaas dagey suuqa iyo xaafaddo ka tirsan Woqooyiga Galkacayo ay ka dhaga adeygeen howlaha dowladda hoose.

Xaafadahaan oo aan horey maamuladii dowlada hoose ee Puntland [Galkacayo] u gaarin tan iyo intii ay dhamaadeen dagaaladii ahliga ahaa ee gobolka Muqdug ka dhacey ayaa waxaa isku-dhacyadii ka horeeyey dagaalkii shaley waan-waan ka galey Guddiyo ka socda mamulka Puntland iyo kan Koonfurta Galkacayo oo dagan xaafada Baraxley.

Wadahadaladaan ayaa hakiyey dagaaladii horey uga dhacey halkaas iyada oo dowladda Puntland dabada ka riixeysay madaama ay diidaneyd iney dib u soo cusboonaadaan coladihii xusuusta xun reebey sanadihii 1991-1992 kuwaasoo dhex marey dadka Puntland iyo dadka daga Koonfurta Galkacayo [ Qaybo ka tirsan gobolada Dhexe].

Dhinaca kale Ciidamo Darawiishta Puntlandgaaraya 400 askari ayaa warar soo gaaraya Garowe Online sheegayaan iney xaley ka baxeen magaalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaaso hogaaminayey Taliyaha ciidamada Tuute-weyne.

Ciidamadaan ayaa wararku sheegayaan ineysan galeyn dagaalo cusub balse dowladda u dirtey sidii ay u xoojin laheeyeen ciidamada Daraawiishta ee ku sugan jiida hore ee Mudug.

Waxaa socda wadahadalo xoogan oo u dhexeeye siyasiyiinta maamulka ka arrimiya Koonfurta magaalada Galkacayo kuwaasoo ay weheliyan xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo kasoo jeeda gobolada dhexe iyo dowladda Puntlnd sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan Puntland oo magciisa diidey.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadda Baraxley oo ku taal Koonfurta Galkacyo dadkii daganaa isaga qaxeen kadib markii shaley 24 Dec,2009 dagaalka soo galeen ciidamada Daraawiishta Puntland.

Maamulka Galkacayo ee Puntland ayaa rumeysa in dadka falalka qaraxyada ka sameeya magaalada iyo guud ahaan Puntland qaarkood ka soo gudbaan una baxsadaan xaafada Baraxley madaama maamulku jilicsan yahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...