Friday 25 December 2009

Xildhibaan Cali Maxameg Geedi oo ku Gacan Sayray waan waan ay wadeen Xildhibaanada ka soo Jeeda Beesha Mudulood, iyo Geedi iyo cali Mahdi oo wada Olo

Wararka ka imaanaya Magalada Nairobi ayaa sheegaya in uu halakasi ku fashilmay waan waan laga dhexwaday Cali Maxamed Geedi oo ka mid ah Xildhibaanada hada ku Jira Dowlada Midnimada Qaran iyo Madaxweyne Sheekh shariif.

Warar qaar ayaa sheegaya Cali Geeddi ay u Cuntami waysay waxa ay wadaan Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Muddulood oo arinta la wareegay sida C/laahi Geeddi Shadoor, Xuseen Caraale iyo Gudoomiyihii hore Gobolka Maxamed Maxamed Cismaan Dhagaxtuur.

Arintan ayaa soo noq noqtay kadib markii bishii la soo dhaafay ay soo baxaysay in Geedi iyo Cali mahdi Maxamed ay halakasi ka wadaan olole ka dhan ah sheikh shariif, kuwaasi oo Doonaya in ay ku afganbiyaan ama ay ku dhicisiiyaan Dowlada aan awaaoda badan lahayd ee uu Hogaamiyo Sheekh shariif, Muqdishana ka Xukunta in ka yar 5-KM.

Sidoo kale waxaa maalmo uun ka dhimanyihiin waqtigii ay Dowlada Kenya u qabatay in uu kaga baxo Dalkeeda Cali Geedi, kadib markii ay warqad Qoraal ah ka heshay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya, Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa sheegaya in Geedi uu xamaamyadiisa ka Guranayo Hoyga uu ka daganyahay Nairobi oo ah qasri wayn taasina uu ka iibsaday hantidii gaarayda 30-ka Milyan oo ay isku qabsadeen asaga iyo C/llaahi Yuusuf.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...