Thursday 10 December 2009

Seyoum ka hadley Somalia

9 Dec 9, 2009 - 9:32:45 AM

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Seyoum Mesfin oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Jabuuti oo uu kaga qaybgalay shirka dalalka IGAD ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ciidamo kale u diro Somalia si ay u xasiliyaan.

Mesfin, ayaa Somalia ku tilmaamay goob aan nabdoonayn oo ay ka dhacayaan qaraxyo halis ah oo walaac ku haya dalalka dariska la ah Somalia, isagoo xusay inay ka dambeeyaan qaraxyadaas Al-Qaeda iyo kooxda ay xiriirka leeyihiin ee Al-shabaab.

Shirka IGAD oo ahaa kii 33-aad ee ay yeeshaan ayaa waxaa shir guddoominayay Seyoum Mesfin, maadaama dalkiisu uu hayo guddoonka urur goboleedka bariga Afrika, wuxuuna caalamka ka codsaday in la taageero dowladda Somali ee la aqoonsan yahay.

"Xaaladda Somalia ma ahan mid sidan lagu eegan karo, mana ahan mid ay walaac gooni ah ku hayso Somalida, balse gobolka oo dhan ayaa ka walaacsan waxa kasoo socda Somalia" ayuu si cad u yiri Mesfin.

Wasiirrada arrima dibadda ee dalalka Bariga Afrika oo shirkan ka qaybgalay ayaa waxay si weyn uga doodeen xaaladaha amaan xumo ee ka jira Somalia, gaar ahaan qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee dilay 22-qof oo ay ku jiraan wasiirrada.

"Caalamka waxaa looga baahan yahay inay gacan ka geystaan badbaadinta Somalia, waayo waxaa ku qulqulaya kooxo shisheeye ah oo gacan siinaya kooxaha ka horjeeda dowlada , dalkeyguna diyaar ayuu u yahay inay gacan siiyo DF" ayuu mar kale yiri Mesfin.
Ethiopia ayaa ciidamo fara badan gelisay Somalia [2006], markaasoo ay adkaadeen Maxkamadihii Islaamka, dagaalo badan kadib ayay isaga baxeen [Jan 2009], kadib heshiis ay la galeen Sh. Shariif oo ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...