Saturday 26 December 2009

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay go’aan laga gaaro xaajada Gaalkacyo.

26. december 2009
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Dhexe ee Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ku amray Madaxda dawladda Puntland ee jooga gobalka Mudug in ay go’aan adag ka qaataan wada xaajoodyada maanta dhacaya, isagoo sheegay in ay lama huraan tahay in xaqiiqada Gaalkacyo laga taliyo, wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in ay muhiimad weyn tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada magaalada.

Xiriiro dhanka Telfoonada ah oo dhexmaray Madaxda dawladda Puntland ee ugu sareeya ayaa lugu go’aamiyay in ay howlaha magaalada Gaalkacyo soo noq-noqdeen, ayna tahay markii 3aad oo dagaal lugu soo qaado Ilaalada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, loogana baahan yahay dhinacyadu in ay maanta wada hadaladoodu noqdaan kuwa si toos ah loogu faaqido ciladaha jiraha oo dhan.

Saraakiil aad ugu dhaw Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, uu ugu baaqay Shacabka Puntland in ay daganaansho muujiyaan, isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii nabadgalyo loogu dhameyn lahaa talaabo kasta oo dhacda.

Madaxweynuhu wuxuu Saraakiisha ciidamada amaanka Puntland ku amray in ay adkeeyaan amaanka, isagoo sheegay in looga baahan yahay feejignaan guud, maadaama ay jiraa dad badan oo doonaya in ay khal-khalgaliyaan amaanka deegaanada Puntland oo idil.

Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiinta, xubnaha dawladda ee gobalka Mudug iyo Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Gaalkacyo, ayaa wada xaajoodyo aan la aqoon waxa ka soo baxay waxa ay goor dhaw oo saaka ah ku yeesheen Xarunta maamulka gobalka Mudug ee Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud taladiisa ku wajahan in go’aan laga gaaro xaaladaha Gaalkacyo, ayaa ah mid ay qabaan guud ahaan dadka magaalada Gaalkacyo oo lugu taageerayo, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey oo ay xiisado dagaal jiraan ay dadku aad uga hadlayeen sida loogu baahan yahay go’aan kama dambeys ah oo laga qaato dhibaatooyinka Gaalkacyo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...