Wednesday 23 December 2009

Dowladda Somalia oo sheegtay iney gacanta ku dhigtay lacag Dollarka madow

ah oo gaaraysa 3 milyan iyo nin ganacsade ah oo watayiyinta dowlada Somalia ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen lacag faalso ah oo ka sameysan Dolarka madow, taasoo cadadeedu gaareyso ugu yaraan 3 milyan oo dollar.

Saraakiisha ciidanka Booliska ayaa sheegay in lacagtaasi la qabtay ee faalsada ah uu watay nin ganacsade ah oo iyadoo ku jirta shandad aad u weyn kala soo degay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka lacagta ee dowlada Somalia Ing. Yariisow ayaa sheegay in ninkan ganacsadaha ee watay lacagtan oo uusan magaciisa sheegin uu ku xiran yahay saldhigyada Booliska dowlada Somalia, uuna ku socdo baaritaan la xiriira halka lacagta uu ka keenay, waxaa uu ka damacsanaa iyo haddii ay jirto cid gaar ah oo ay ku socotay, wuxuuna sheegay in meel fagaare ah lagu gubi doono lacagtaasi falsada ah marka baaritaanku dhamaado.

Bilo ka hor ayey aheyd markii dowlada Somalia u soo bandhigtay lacag gaareysay hal milyan oo dolarka madow ah, taasoo ay sheegtay in ninkii watay uu baxsaday, inkastoo warar kale ay sheegayeen in la qabtay ninkii watay oo la qariyey uuna ahaa nin caan ku ahaa cadeynta lacagtaasi.

Saraakiisha dowlada ayaa xiligaasi sheegay iney meel fagaare ah ku gubi doonaan lacagtaasi hase ahaatee ilaa hadada lama hayo meel ay ku gubeen lamana oga sida uu hadda ku dhaqan geli doono hadalka ka soo yeeray wasaarada lacagta ee sheegaya in la gubi doono lacagtan faalsada ah ee oo ah tii ugu badneyd ee dowladu ay qabato.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...