Friday 11 December 2009

Garowe: Golaha Xukuumada Puntland oo meelmariyey Heshiiskii Puntland iyo African Oil.

11. December 2009

Garowe(AllPuntland)- Golaha Wasiirada ee dawladda Puntland ayaa la hordhigay heshiiskii ay dhawaan saxiixeen Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo Masuuliyiinta Shirkada qodaysa Shidaalka Puntland ee African Oil, iyadoo xubnaha golaha Wasiiradu ay su’aalo kala duwan weydiiyeen Madaxweynaha dawladda Puntland.

Golaha Wasiirada ee dawladda Puntland ayaa shalay kulankoodii wuxuu ahaa mid ay kaga doodayaan qodobada dhanka amaanka ah iyo heshiiskaasi, kaasoo ugu dambeyntii keenay in qalinka lugu duugay heshiiskaas oo ay ucodeeyeen Xubnaha golaha Wasiiradu, iyagoo sheegay in lagama maarmaan tahay in laga shaqeeyo horumarinta Puntland.

Wasiirada qaarkood ayaa su’aalo ku saabsan waxa isbadalay hor dhigay madaxweynaha dawladda Puntland, isagoo sheegay in ay jiraan qodobo kala gedisan oo wax ka badal lugu sameeyey, isagoo ka waramay Madaxweynuhu meelihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiskan iyo wada hadaladii dhexmaray Puntland iyo Shirkadaha Ajnabiga ah.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan la horgeyn doonaa heshiiskaasi, sida uu qorshuhu yahay, waxaana ladhowrayaa Mudanayaasha baarlamaanka Puntland go’aanka ay ka qataan, iyagoo marar badan dhaliilayay siyaasadii Madaxweyne Cadde Muuse ee ku wajahnayd qodobada ku saabsan heshiisyada lalagalayo shirkadaha Shisheeye.

Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xaaladaha amaanka, iyadoo lasoo qaaday talaabooyin kala gedisan oo ku aadan xaajada amaanka, waxa ayna isku raaceen in la kordhiyo wax ka qabashada xaaladaha amaanka ee Puntland, iyagoo sheegay in aan la dhayalsan Karin jiritaanka dad doonaya in ay falal amaan daro ka fuliyaan gudaha deegaanada Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...