Saturday 26 December 2009

6 Gobol oo ku yaal koofurta Soomaaliya ayaa la doonayo in maamul goboleed loo sameeyo

wararka laga helayo Degmada dolow ee gobolka Gedo aya waxaa manta laga soo saarey in la dhisi doono maamul goboleed ay yeeshaan gobolda kooforeed ee Gedo.Bagool, Bay, Shabeelada hoose, Jubbada Dhexe, iyo Jubbada hoose.

Kulanka ayaa waxa qudbadii loogu tala galey in la shaaciyo waxa ka aqriyey Adan Saransoor oo ka tirsanaa maamulkii Gobolka bay ayaa halkaasi ka shegay in mudadii la soo wadey shirkaan ay manta ku akeyd sii socoshadiisa mudo 3 bilooda laguna dhisey gudi ka kooban ilaa 21 xubnood oo loogu magic darey gudiga wadatashiga biyo qabanqaabada gobolada Maamul goboledka koofureed ee lixdaa wixii hada ka danbeyana ay ayaku heyn doonaan masuuliyad ilaa shirka lagu dhisayo laga qabanayo.

Kulanka ayuu sheegay in ay joogan masuuliyiinta ka kala socota dhamaan Goboladaas ee dowlada iyo waliba Xildhibano ka tirsan ayakuna dowlada sifiicana looga wada tashadey intii uu socdey oo aheyd mudo dheer inla markasna ay dowladu wax ka ogtahey waa sida uu hadlka u dhigaye Aadan Saransoor.

Sidoo kale waxaa uu shegay in aysan jirin cid gacan ka siisiyey mudaas 3-da bilood ah ee howlahooda maamul u sameynta lixda gobol ee koofurta Soomaliya la wadey balse ayaku ay howlahooda wateen shirarkooda ay cadi u socdeen iyo wada tashiyada.

War murtiyedkaan manta ay Degmada Doolow ee gobolka Gedo ka soo sarareen saraakishii hore ee dowlada oo looga itaalka roonaadey goboladaan ay donayan in ay maamulka u samyeen ayaa ku soo adaya xili dhamaan goboldaan xoog looga soo sarey ayna gacanta ku hayaan Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam Dhamaan Goboldaan ay shegaan marka laga reebo Degmada Doolow oo daris la ah Xadka Ethiopia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...