Thursday 10 December 2009

Gaalkacyo: Faahfaahin ku saabsan qaraxii ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. 10. December 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Afhayeenada isku haya talada Maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa siyaabo kala duwan halady qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo muran balaaran ku jiro cida lala beegsaday.

Qaraxa ayaa dhaawac ka soo gaaray 4 qof oo uu ku jiro nin lasheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha sare ee Hay’ad ay maamulada Galmudug ku sheegeen in ay ka shaqeynayso Qandaraas dhinaca Kalluunka ah, balse ay warar kala gedisan ka soo baxayaan.

Shirkada ay Galmudug ku sheegeen mid kalluumaysi, ayaa warar ka soo baxayaa ay sheegayaan in ay Shirkadan aan si rasmi ah loo hubin Karin shaqadeeda, isla markaasna waxaa la xaqiijiyey in ay howlo kala duwan qabato, iyadoo leh ciidan ugaar ah kuwaas oo ay dad magacyo kala gedisan ugu jiraan, ayna sheegeen in ay xiriir kala dhaxeeyo sugitaanka dhanka amaanka ee Gaalkacyo.

Mr, Baasto oo ka mid ah Afhayeenada Galmudug ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan qaraxyadaasi kooxo doonaya in ay burburiyaan horumarka Galmudug, isagoo sheegay in ay qaraxyadaas yihiin kuwa laga soo maleegay Afkaanistaan, isagoo qiray in ay Hay’ad Kalluumeysi ahayd cida lala beegsaday.

Khaliif Sheekh Xuseen oo ah afhayeenka garabka Col. Caalin ee Galmudug ayaa dhinacooda sheegay in ay og yihiin jiritaanka qaraxaasi, isagoo sheegay in aad uga walaacsan yihiin arrimaha noocaan ah, wuxuuna sheegay in ay ku hayaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan cida ka dambeysay.

Khaliif wuxuu ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo qaraxa oo ahaa mid laga hagayay gacanta, isagoo cadeeyey in aysan garan Karin masuuliyada noocaan ah cida qaadan karta, wuxuuna ugu baaqay Shacabka daganaansho.

Dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas ayaa lugu dabiibayaa Cusbitaalada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo uu ku jiro nin shirkadaasi ka mid ahaa, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Goob-joogayaashii qaraxaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...